Abiy Axmed oo shaaciyay inuu dhawaan fulayo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0
7202

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shaaciyay in heshiiskii is-fahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu dhawaan fulayo oo la dhammaystiray, sida uu ku waramay Telefishanka qaranka dowladda Somaliland.

Telefishanka qaranka dowladda Somaliland, ayaa sheegay in Raysal wasaaraha Itoobiya, uu hadalkan ka sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo ay ka wadahadleen heshiiska is-faham ee ay 1dii January ee sannadkan kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaanu Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, caddeeyay in heshiiskaasi soconayo oo la dhammaystiray, Sida uu Telefishanku sheegay.

Raysal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Muqdisho uu ka dhex cataabay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee ka qabsoomay magaalada Beijing, kaasi oo uu kaga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, arrintaasi oo aan ku jirin ajandeyaashii shirkaas lagaga hadlayay, ayaa sababtay in madaxdii shirka ka soo qaybgashay ay fahmi waayeen ujeeddadiisa, isla markaana aanay jirin cid ka hoos qaaday cabashada uu kulankaas kaga dhawaaqay.

Sidoo kale, Wasiirka khaarajiga dalka Itoobiya Taye Atselassie, ayaa shirkii Shiinaha iyo Afrika ka sheegay in Itoobiya ay isticmaali jirtay dekedda Jabuuti, hase ahaatee dhaqaalaheeda koraya darteed ay u baahan tahay dekedo badan oo ay isticmaasho, taasi oo madaxweynaha Shiinuhuna la qaatay, Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibedda Itoobiya.

Heshiiska is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa dhigaya in Itoobiya laga kireeyo 20km oo ka mid ah xeebaha Somaliland oo ay ka samaysato Saldhig Millateri oo badda ah, halka Itoobiyana noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada  Madaxbannaanida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here