๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ป ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ? ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ ๐—˜๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—น-๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ!!

0
240

๐™Œ๐™–๐™ก๐™ก๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™ž๐™ž: ๐™ˆ๐™ช๐™ ๐™๐™ฉ๐™–๐™–๐™ง ๐™ˆ๐™–๐™ญ๐™–๐™ข๐™š๐™™ ๐˜พ๐™–๐™ก๐™ž ๐˜ผ๐™œ๐™–๐™–๐™จ๐™ž๐™ข๐™ž๐™๐™ž๐™ž ๐™‚๐™ช๐™ช๐™™ ๐™š๐™š ๐˜ผ๐™ข๐™ฃ๐™ž๐™œ๐™– (๐™ƒ๐™ค๐™ง๐™š), ๐™š๐™š ๐™’๐™–๐™จ๐™–๐™–๐™ง๐™–๐™™๐™™๐™– ๐˜ผ๐™ง๐™ง๐™ž๐™ข๐™–๐™๐™– ๐™‚๐™ช๐™™๐™–๐™๐™–, ๐™…๐™–๐™ข๐™๐™ช๐™ช๐™ง๐™ž๐™ฎ๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™Ž๐™ค๐™ข๐™–๐™ก๐™ž๐™ก๐™–๐™ฃ๐™™

๐—›๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ
Somaliland maanta waxay taagan tahay is-goys taariikhi ah. Waa xilli ay ummadda iyo dawladuba si dhab ah ugu dhow yihiin rumaynta riyadii iyo rejadii ay muddada dheer ku baadi-goobayeen hannashada dib-u-aqoonsi caalami ah. Halka aynu maanta taaganahay ma aha meel si fudud lagu yimid, waxay ku timid naf-hur, adkaysi iyo midnimo qaran.

Hadal-haynta warbaahinta caalamiga ah iyo fariimaha dublumaasiyiinta ayaa si isa soo taraysa u tilmaamaya in Maraykanku tixgelinayo aqoonsiga Somaliland, isagoo qarankan ku abaal-marinaya nidaamka dimuqraadiyadda, ilaalinta amniga iyo dib-u-dhiska dawladnimo ee aynu ku guulaysannay.

Somaliland Iyo Maraykanku waa laba dal oo xulufo wadaag ah kuna jaaley in ay xaqiijiyaan gaadhista maxsuul cad oo sugan oo ay waddaagaan, Balse waddada aqoonsiga caalamiga ahi waa mid dheer oo culus, waxaa ku lammaan khataro muuqda iyo kuwo qarsoon.

๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—Ž๐—ฏ๐—น๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ.

Xidhiidhkii Somaliland iyo Taiwan wuxuu keenay cadaadisyo dublumaasiyadeed oo xooggan oo ka imanaya Shiinaha, kaas oo adeegsaday maamulka Muqdisho si uu u hirgeliyo siyaasaddiisa โ€œHal Shiineโ€ (One China Policy). Hanjabaado toos ah ayaa loo soo diray Hargeysa, halka taageero dadban lagu siiyay duullaannadii iyo qalalaasihii ka dhacay Sool.

Dhanka kale, Heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya bishii January 2023 ayaa sababay in culays kale kusoo kordho. Dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ayaa si cad uga hor yimid, iyagoo u arkaya in heshiisku dhaawacayo danahooda istiraatiijiyadeed, Taasi waxay dhalisay faragelin cusub oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

Waxaa intaa dheer isbeddellada ka imanaya Washington, kuwaas oo muujinaya in Maraykanku danaynayo saldhig ciidan oo uu ka furto Magaalo xeebeedka Berbera, isla markaana uu ku xidho aqoonsi siyaasadeed.

Haddaba, arrintii xiisaha ugu badan dhalisay waxay ahayd suโ€™aashii tooska ahayd ee dhawaan la weydiiyey Madaxwaynaha Maraykanka Donald J.Trump ee ahayd: inuu Somaliland aqoonsi lagu siin doono haddii ay qaabbisho Falastiiniyiin dib loo dejinayo. Inkasta oo uu ku tilmaamay โ€œarrin adag oo xasaasi ah,โ€ hadal-hayntan waxay abuurtay khatar amni oo weyn. Waa arrin si toos ah u taabanaysa dareenka Carabta iyo dawladaha Beriga Dhexe daneeya, waxayna keeni kartaa falcelin ka iman karta argagixisada iyo xulafada gobolka.

๐—ง๐—ฎ๐—น๐—น๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ง๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ:

Hadal-haynta aqoonsiga Somaliland iyo cadaadisyada caalamiga ahi waxaa la socda khataro amni oo muuqda. Sidaa darteed, waxa lama huraan ah in shacabka Somaliland u middoobaan ilaalinta amniga qaranka, uguna diyaargaroobaan isbeddel kasta oo soo socda.

โ€ข Amniga Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranku waa arrin qaran. Madaxweynaha Somaliland waa astaanta halgankii shacabka, waana lafdhabarta riyada aqoonsiga. Ilaalintiisu ma aha arrin siyaasadeed oo qof la xidhiidha, waa ilaalinta jiritaanka iyo mustaqbalka qaranka.
โ€ข Sirdoonka gudaha iyo dibadda waa inuu noqdaa mid firfircoon, xog-ururin joogto ahna sameeya. Shaqaalaha iyo hayโ€™adaha amniga waa in lagu sameeyaa hubin adag, iyadoo la ilaalinayo xogaha sirta ah iyo nidaamyada elektarooniga ah. Goob kasta oo Madaxweynaha tago waa in lagu diyaariyaa qorsheyaal amni oo dhameystiran, waddooyin qarsoon oo baxsiga ah iyo ilaalin heer caalami ah.
โ€ข Xidhiidhka Mareykanka iyo Taiwan waa in si xeeladaysan loo maareeyaa, iyadoo lagu dedaalayo in laga faaโ€™iidaysto taageerada sirdoon iyo tababar, isla markaana laga fogaado in Somaliland ku lug yeelato qorsheyaal khatar u keeni kara xidhiidhkeeda Carabta iyo Muslimiinta.

๐—š๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ:

Somaliland maanta waxay leedahay fursad ay ku xaqiijinayso halgankeeda, kuwaas oo ay la socdaan haliso aan yarayn, Aqoonsigu waa riyo ummadeed, laakiin amnigu waa tiirka uu ku taagan yahay. Haddii aan si xeeladaysan oo midnimo ku jirto u wajahno caqabadaha, madax-bannaanida Somaliland waxay noqon doontaa mid aan la leexin karin.

Shacabka waa in ay garwaaqsadaan in amnigu yahay masโ€™uuliyad guud oo waddareed, madax-bannaaniduna tahay hanti qaran. Ilaalinta Madaxweynaha iyo madaxda kale waa ilaalinta jiritaanka iyo xaqiijinta riyada qaran ee ay ummadda Somaliland tobannaan sano ku taamaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here