๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ: ๐—บ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐˜…๐—ถ๐—น๐—น๐—ถ ๐—ด๐—ผ’๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ผ (๐——๐—ฒ๐—ฐ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ)?

0
264

Alle ha inoo aqbalo oo dhab ha inooga dhigo e, masuuliyiin badan oo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka mid ah, ayaa marar iyo madalo kala duwan kaga dhawaaqay ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ถ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ Somaliland helayso sannadkan gudihiisa.

Ballan qaad kan oo ah mid aad u weyn iyo himilo ummaddani sugaysay in ka badan 30 sannadood, ayaan is waydiiyay, ma socotaa hawl amma ifafaalo muujinaya aqoonsi buuxa in la ina siinayo 40-ka cisho ee sannadka ka hadhay? Waxa ii soo baxday in ay suuro gal tahay in heshiis weyn oo ay ku jirto dib u eegis lagu sameeyo meeqaamka Somaliland aynu dalka Maraykanka la geli karno hawshiisuna socoto, kaas oo noqon doona guushii diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee aynu gaadhno ilaa hadda, balse aan weli ahayn aqoonsi buuxa.

๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ถ๐˜€ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป:

โ Ballan qaadka muddaysan ee xilli go’an (bisha sannadka ka hadhay) loo qabanayo madaxweynaha, tii oo arrintu aanay gacanteena kuwada jirin ee arrimo kale saamayn karaan, oo haddaba Maraykan ku jiro (Government shut-down) ma saxsan tahay?

โ Ma jiraan culaysyo siyaasiya oo qasab ka dhigaya in imika la sameeyo ballan qaad bir ku goโ€™an? Anigu waxa aan u arkaa, ๐—บ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ! oo 34 sannadood ayaynu sugaynay, welina waynu sugi karnaa, madaxweyanuhuna waxa uu ku jiraa xilli uu guulo kale oo badan soo hooyay oo ma jiro culaysyo gaar ah oo arrintan lagaga furfurayaa. Haddii se laga rabo dhiirrigelin guud waxa la samayn karaa sidii madaxweyanuhuba Ceerigaabo ka sheegay mid la mid ah, โ€œWaan hubaa haddii nabadeenna iyo diimoqraaddiyaddeena ilaashanno in la inna aqoonsan doono.โ€

โ Waa maxay sababta ay wasaaraddii shaqada lahayd ee Arriimaha Dibedda, ay ilaa haddaa xafiisyo iyo masuuliyiin kale uga boobayaan oo iyagu arrinkan ugu dhawaaqayaan?

โ Ka soo qaad ba, in madaxweynuhu keeno guushan bisha 5-aad ee sannadka cusub (2026), ballan qaad kan birta ku goโ€™ani saamayn intee leeg buu ku yeelanayaa, farxadda iyo debaal-dega guushaasi, ma u eekaysiin kartaa guushaas 35 sanno kaddib timi, arrin 5 bilood dib u dhacday oo la isku canaanto?

โ MOU-gii iyo Aqoonsigii shalay, waxaa shalay uun umada lagu dhaga-barjeeyay aqoonsi Ethiopia iyo 10 dal kawada imanaya, tiiyoo si siyaasi ah looga faa’iidaysanayo badh kalena uga falcelinayaan, maantana hawshaasi meel laguma sheego, si aan siyaasi ahayna weli loogama wada hadal. Hadaba, hadii aynu arimaha masiiriga ah siyaasadayno ama warar aaan sugnayn kasoo baxaan had iyo jeer, saamayn noocee ah bay aayatiinka ku yeelan doontaa?

Ugu dambayn, Somaliland 34 sanno ayeey jirtaa, waxa ay gaadhay guulo aanay gaadhin dalalka haysta aqoonsiga qaarkood, dadkeeduna waa ay ku qanacsan yahiin dalkooda iyo gobonimadiisa oo 100 sanno oo danbe waa ay u sii dhabar adaygi karaan, ee yaynaan isku eekaysiin dad samirku kasoo dhamaanayo oo wakhti isku haya. Tiyoo dhiiri-gelinta iyo warka wanaagsan haboon yahay, hadana, halgankeenna iyo aqoonsi raadinteenana aynu ku dhisno run sheeg, daacadnimo iyo go’aano xaqiiqada ku dhisan, oo aynu ka dayno vlog-gaynta iyo siyaasadayntaba.

Guul iyo Gobonnimo.
Roble Abdi Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here