Magaalada Hargeysa Oo Si Balaadhan Looga Tukaday Salaada Ciidal-Fidriga Iyo Masuuliyiinta Dawlada Oo Shacabka La Tukaday + SAWIRRO

0
1609

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa saaka salaadda Ciidal Fidriga kaga qaybgalay masjid Jaamac Caasimada Hargeysa, halkaasoo ay ku soo xaadireen kumaan qof oo ku tukaday gudaha iyo dacallada masjidkaasi.

 

Salaadda oo uu tujiyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka mid ahaa tiro wasiiro, wasiiro ku xigeeno, madaxda ciidamada kala duwan ee dalka, masuuliyiinta wasaaradda Madaxtooyada, oo ay la safnaayeen dadweyne tiro badani.

2-10

Imaamka ayaa salaadda takbiirta badan  ee ciidda ka dib, halkaasi ka jeediyey khudbad uu ku faah-faahinayo munaasibada ciidal fidriga iyo sida Alle Subxaana wa-tacaala iyo Rasuulkiisu (NNKH) u maamuuseen. Waxa kaloo khadiibku ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in la joogteeyo cibaadaysiga sidii la ahaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tukashada iyo khudbada raacday ka dib halkaasi ka jeediyey ereyo ku saabsan salaanta ciidda, fadliga ay leeyihiin maalmaha ciiddu, farxada ku dheehan iyo duco uu ugu rajeeyey ummadda islaamka wanaag iyo nabadqab.

kakaakakak

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisi “Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak, kullu-caam wa-antu bikhayr, Ilaahay sanadka sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo nabad”.  Waxan salaanta ciidal fidriga ku salaamayaa dadyawga islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan shacbiga Somaliland, waxan leeyahay ku ciida farxad iyo rayn-rayn, ciidda ciideedana Ilaahay ha inagu gaadhsiiyo liibaan iyo wanaag.

kkkk

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ayaa waxay la tukadeen shacbigii ku sugnaa garoonka 31-MAY ee Caasimada Hargeysa.

kakakakakaak

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u kala diray gobolada iyo degmooyinka dalka, xubno ka mida golaha wasiirada, kuwaasoo iyaguna kala qaybgalay shacbiga salaadda ciidal Fidriga, hadalo ku saabsan munaasibada ciidda iyo siyaasada dalkana halkaa uga jeediyey dadweynaha.

4f90fb0a-31f8-4d84-8567-bb03de14e6f7

Markii ay salaadda laga soo dareeray ayaa waxa shacbiga loo furay albaabada Madaxtooyada, halkaas oo shacbiga caasimada intooda badani ay soo gelayeen, kuna salaamayeen madaxweynaha Qaranka oo ay hareero fadhiyaan madaxweyne ku xigeenka, gudoomiyaha guurtida Somaliland, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin iyo wasiirada Madaxtooyada, Diinta iyo Awqaafta iyo masuuliyiin kale.

 

Suuqayada magaalada ahrgeysa ayaa waxa maraya boqolaal caruur ah oo libisan kuwaasi oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad iyo rayn rayn.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here