Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa ka qayb galay Xlxuska Maalinta Dhalinyarada ee 20 February.
Munaasibadda xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qaban qaabisay dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.
Sidoo kale qabashadda maalinta dhalinyaradda Somaliland ka qayb qaata qaar ka mid ah haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee dalka ka hawl galla.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, agaasimeyaal guud, siyaaaiyiin, iyo xubno ka socday ururadda arrimaha dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa, iyo masuuliyiin kale.
Munaasibadda xuskan sanadkan ee maalimta dhalimyarada Somaliland ayaa hal-ku-dheg looga dhigay Ilaallinta midnimada dhallinyarada.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.