Xoghayaha Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xaalka Xuquuqda Aadamaha Ee Haweenka Dunida

0
1045

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maadaama ay barrio o 8-da March ah ku beegan tahay Maalinta haweenka dunida loo asteeyay, waxaa xaaladda haweenka ee dunida ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Banki Moon, waxaanu sheegay in Haweenka wax badan u qabsoomeen 20-kii sanno ee u dambeeyay balse ay kooxaha xagjirka ah iyo dadyaw kaleba dhibaatooyin wali ku hayaan

Qoraal Banki Moon Arrintan kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan:-

Labaatan sanadood ka hor, markii uu caalamku isugu yeedhay shir lagaga hadlayo xuquuqda haweenka, colaaddii lagu baaba’ay ee Yugoslavia-dii hore ayaa keentay in si mudnaan leh loogu soo jeesto kufsiga iyo dambiyada kale ee dagaallada ee loo geystay dadka rayidka ah ee halkaas joogay.

Kaddib labaatan sanno kooxaha xagjirka ah ee colaadda waday bartilmaameed ka dhigtay gabdhaha ay da’adoodu u yaraan karto ilaa toddobo sanno, waxaa si fudud looga niyad-jabi karaa shirarka caalamiga. Balse inkastoo ay weli wax badan nooga hadheen inaan gaadhno sinnaan buuxda – iyadoo ujeeddada udub-dhexaadkuna ay tahay in la joojiyo colaadda ku saleysan jinsiga – haddana horumarka la gaadhay labaatankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuu caddeeyay qiimaha aan dhammaaneynin ee shirkii Beijing ee haweenka oo la qabtay sannadkii 1995-kii.

Tan iyo markii la isla qaatay baaqii iyo qorshe-howleedkii shirka gabdho badan ayaa fursado badan u helay waxbarasho badan taasoo ka badan intii weligeed la soo maray. Tirada haweenka ee ku dhinta umusha ayaa laga dhigay mid ku dhow kala badh. Haween badan ayaa hogaamiya ganacsiyo, dowlado iyo ururro caalami ah.

Waxaan soo dhaweynayaa horumarkan la gaadhay, Isla markaas maanta oo ah maalinta caalamiga ah ee Haweenka, waa inaan garwaaqsanaa in laga gaadhay horumar dhibaateynta haweenka, waana inaan qabanaa wax intaa aad uga badan si aan u dardar-gelinno horumar laga gaadhayo meel walba.

Caalamku waa inuu isugu yimaadaa si wax looga qabto kooxaha xagjirka ah ee bar-tilmaameedsanaya haweenka iyo gabdhaha. Laga billaabo Somalia, Nigeria, Suuriya iyo Ciraaq, jidhka haweenka ayaa loo bedelay goobo dagaal oo ay isku hirdiyaan dagaalyahanno ku kacaya istaraatijiyado gaar ah oo nidaamsan, oo inta badan ku saleysan isirka ama diinta.

Haweenka waxaa loo weeraray inay isku dayeen inay helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada iyo adeegyada asaasiga ah; waa la kufsaday, waxaana laga dhigay adoomo galmo; waxaa abaal-gud ahaan loo siiyay dagaalyahannada ama kooxaha xag-jirka ah ayaa isku weydaarsaday shabakadaha ka ganacsiga dadka.

Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo kuwo kale ayaa si qorsheysan loogu dilay inay isku dayeen inay ku shaqeystaan xirfadahooda. Dadka difaaca xuquuqul insaanka haweenka oo si geesinimo ah uga hortaga gumaadka caynkaas oo kale ah ayaa khatar geliya – mararka qaarkoodna ku waaya – naftooda xilli ay dadaalkan ku jiraan.

Waa inaan mowqif cad oo caalami ah ka istaagnaa weerarkan buuxa ee lagu hayo xuquuqul insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay u baahan tahay inay cadhadeeda u tarjunto tallaabo macno leh oo wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin gargaar baniaadanimo, adeegyo maskax-bulsho, taageero nololeed iyo dadaal lagu bixiyo in kuwa dhibka geystay caddaaladda loo hor keeno.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here