Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga WADDANI, ayaa Maanta Munaasibad soo dhaweyn ah ku qaabilay Siyaasiyiinta Isbahaysiga ee ka cadhooday Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo ay hoggaaminayeen Wasiirradii Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Maxamed Biixi Yoonis iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadallo ka jeediyay Munaasibaddaas, ayaa sheegay inay Xisbiga WADDANI ugu biireen sidii ay Somalilan uga badbaadin lahaayeen Hoggaan Xumo ay sheegeen. “Xisbiga WADDANI waxaanu ku raacnay Mabaa’dii oo aanu kala saxeexanay, Arrimahaa culus ee aanu saxeexnay waxaanu is leenahay Waddanka ayaa lagu bedbaadinayaa, waxaanu hawshaa culus (Heshiiska) u galnay in Xisbiga WADDANI ku dhaqmaan, fikrado cusub u keeno, hoggaankeeda wax ka maamulno.” Ayuu yidhi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu doonaynaa inaanu Shacabka Somaliland tusno in aanay Qabyaaladi shaqeynayn.” Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna sheegay, “WADDANI waxaanu u nimid inaanu Qaranka bedbaadinno, oo aanu ka bedbaadinno Hoggaan-xumo. Waxaanu doonaynaa inaanu Shacabka Somaliland ka saarno u hoggaansanka Ashkhaasta oo ay u hoggaansamaan Sharciga.” Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Masuuliyiin ka mid ah Xisbigaas oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Xubnaha ay Biixi iyo Xirsi hoggaaminayeen ee ku biiray. WADDANI, ayaa heshiis la saxeexday Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE, waxaana heshiiskaa qodobbada ku jira ugu waaweyn in Xubnaha Isbahaysiga ee Xirsi iyo Maxamed Biixi ka mid yihiin lagu daro Hoggaanka Xisbiga WADDANI.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP