Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wefti sare oo ka socday Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW, oo uu hoggaaminayey Felix Volkmar, oo ah Maareeyaha KfW ee Wadamada Bariga Afrika.
Ujeedka kulanka ahaa ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta mashaariicda ay KFW ka taageerto Somaliland, gaar ahaan kuwa la xidhiidha biyaha iyo deegaanka.
Intii uu socday kulanka, waxa si gaar ah looga wadahadlay qiimaynta mashruuc cusub oo biyo gelin ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Somaliland.
Waxa kale oo lagu falanqeeyay warbixin ku saabsan halka uu marayo mashruuca biyaha Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta wejiga labaad ee mashruuca Maareynta Dhulka Sugan (SLM).
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaraddu waxay uga mahadcelisay KfW kaalinta ay ka qaataan taageerada mashaariicda muhiimka u ah bulshada, iyadoo xustay in iskaashiga labada dhinac uu sii socon doono.