Wasiirka Biyaha oo Hor Tegay G/hoosaadka Khayraadka Dabiiciga Wakiillada

0
784

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddi hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog waraysi ah leeshay wasiirka wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland.

Kulankaasi ayay xildhibaanadu wasiirka ku waydiiyeen su’aallo la xidhiidha hawlaha shaqo ee dhinaca biyaha ee ay wasaaradu qaranka uga masuulka tahay, iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha guddi hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee golaha Wakiillada Somaliland xildhibaan Mubaarig Muuse Ismaaciil.

Kulankaasi ayaanay u jeedadiisu ahayd is xog waraysi ku saabsan arrimaha khayraadka biyaha, Ceelasha dalka laga hirgeliyay, Dhaamamka biyaha ee la qoday, siyaasadda wasaaradda iyo waxyaabaha u qabsoomay sannadkan sii dhamaanaya.

Geesta kale, wasiirka biyaha ayaa isna xildhibaanadda waxa uu warbixin guud ka siiyey hawlaha shaqo ee wasaaradda u hirgelay, isagoona ka jawaabay dhammaan weydiimahoodii.

Kadib markii kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiillada ee Hargeysa, waxaa ka warbixiya wasiirka biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), iyo guddoomiyaha guddi hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee golaha Wakiladda Somaliland xildhibaan Mubaarig Muuse Ismaaciil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here