Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Berbera Ku Qabatay Kulanka La Tashiga Bulshadda

0
271

Berbera (HP): Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta magaaladda Berbera ku qabatay kulanka wada tashiga bulshadda ee diyaarinta miisaaniyad sanadeedka 2024-ka.

Kulankaasi oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Culuumta Badda ee magaaladda Berbera, waxaa ka qayb galay wasiirka Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shirre, agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda, iyo saraakiil ka tirsan isla wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil, maayarka Berbera, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladda Berbera.

Kulankani oo sanad kasta ay qabato wasaaradda Maaliyadu ayaa qayb ka ah jaran-jarooyinka ay marto diyaarinta miisaaniyadda qaranka, si ay muwaadiniintu tallo ugu yeeshaan miisaaniyadda qaran ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shirre, oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sharaxaad ka bixiyay u jeedadda kulankan dadweynaha ay la yeesheen, iyo qorshe miisaaniyadeedka qaranka.

Waxaanu sheegay in Miisaaniyaddu ay tahay qorshe Maaliyadeed, isla markaana lagu dejiyo odoroska miisaaniyadda ee sanadka soo socda.

Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in qaran ahaan ay miisaaniyadeenu kooban tahay, isla markaana kharashkeenu badan yahay.

Wasiirka oo sharaxayay meelaha ugu muhiimsan ee ay ka soo baxdo miisaaniyadda Somaliland ayaa sheegay in ay ka kooban tahay laba qybood, oo kala ah cashuurta dalka gudihiisa ka soo baxda, iyo dhaqaalaha ay wadamadda caalamku inagu caawiyaan.

DAAWO: Khudbadii Wasiirka Maaliyadda JSL:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here