Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Oo Xilka La Wareegay

0
650

Hargaysa (HP): Taliyaha cusub ee ciidamadda ilaaladda xeebaha iyo Badda ee Somaliland oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Biixi, ayaa maanta xilkii kala wareegay taliyaha cusub ee ciidanka Badda.


Munaasibadii xil wareejinta oo ka dhacday Taliska Ciimada Badda ee magaalada Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Somaliland Saraakiisha Ciidmada Kala Duwan Qaarkood Iyo Mudan Marti Sharaf Kale.


Waxaana xafladaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiintii ka soo qayb galay, oo uu ka mid ahaa taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada xeebaha iyo diffaca badda Admiral Maxamed Hussein Faarax Xiirane, ahna Taliyaha cusub ee Ciidanka socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha JSL.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay taliyaha cusub ee Ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca Badda JSL Admiral Axmed Hurre Haariye Libaax.
DAAWO: Hadalka Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland:



Admiral Maxamed Hussein Faarax Xiirane ahna Taliyaha cusub ee Ciidanka socdaalka:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here