Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Hay’adda EUCAP, oo ilaalinta Badaha u qaabilsan Midawga Yurub.
Kulankan, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, La-taliyaha wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay’addaha Siciid Yuusuf Cabdi Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Gender ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha khaalid Ibraahim Cumar.
Kulankan intii uu socdey waxaa lagaga wadahadlay Iskaashiga labada dhinaca iyo wada shaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo EUCAP, iyadoo ay heshiin ku wada jiraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda EUCAP.
Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay joojinta iyo ilaalinta Badda dheer ee Somaliland, iyadoo labada dhinac iska kaashanayaan ka wada shaqaynta amaanka Xuduudaha Badda.
EU-CAP waxaa ka socdey Kanneth Neijnes Madaxa Xafiiska EUCAP ee Somaliland, Jose Mario Ku xigeenka Xafiiska EUCAP, Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland.