Shil Baabur: isku Dhaca Baabur Xamuul ah, mid ka mida Gaadiidka Booliska iyo Khasaaraha ka dhashay

0
788

SAYLAC, (HargeisaPress) — Badhasaabka gobolka Salal Mud. Axmed Maxamed Xaashi ayaa no xaqiijiyay mardhaweyd shil gawaadhi oo isku dhacday in ay keeneen sadex qof oo dhaawac culus ah.

 

Badhasaabka gobolka selel oo  khadka telefoonka ugu Warmay Wariye Mustafe Dheereye oo ka tirsan Tvga Qaranka.

“Gudoomiyahaa ayaa iigu waramaya ayaa ii sheegay in in ay dhaawacyo uu u malaynayo jajab culus uu soo gaadhay taliyihii qaybta boliska selel iyo taliye ku xigeenkiisii qaybta iyo waliba darawalkii gaadhiga qaybta bilayska Badhasaabka ayaa intaas ii raaciyay in daranyahay  yahay  taliye xigeenka iyo darawalka gaadhiga booliska.

 

Gaashanle dhexe Maxamed Cilmi Yasiin taliyaha qaybta boliska

Gaashale Raage Muse Dirir  ku xigeen taliyaha

Maxamed Suge Muumin darawalkii gadhiga boliska

 

Axmed Maxamed Xaashi ayaa ii raaciyay intaasi in ilaa shalay ay ku jireen safar kormeer shaqo oo gobolka salal ah. badhasaabka ayaa intaasi ii raaciyay in shilkan ay sababeen isku dhac gaadhiga booliska iyo gaadhi xamuul ah iyadoo ay isku qariyeen roobab dabaylo wata oo ka dhacayay jiidahaasi.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan gaadhiga xamuulka ah cidi waxba ku noqon Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka ceel gaal iyagoo ka tegay Laanta morohda ah.

.

 

 

Waxii war ah ee intaasi ka soo kordhana la arki doonee

Mustafe dhereye..

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here