Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha codbixinta

0
1736

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shacabka Somaliland, ayaa waxaa ay saaka u dareereen goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururada.

Dadka, ayaa safaf dhaadheer ugu jira tan iyo subaxii hore ee saaka goobaha codaynta, iyadoona ay dadka qaar saqdii dhexe ee xalay ay safafka sii galeen.

Doorashadan, ayaa waxa ka qaybgalaya qiyaastii 1, 200. 000 codbixiye, kuwaas oo go’aan ka gaadhi doona mustaqbalka hoggaaminta shanta sanadood ee soo socota iyo sidoo kale, Ururrada oo la doonayo inay ka soo baxaan saddex Xisbi qaran oo noqon doona kuwa bulshada ku meteli doona siyaasadda.

Cod bixiyayaasha, ayaa u kala codeynaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayaan murashaxiin ka kala socota xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID, iyo doorashada ururrada oo toban urur laga doonayo in ay ka soo baxaan sedex xisbi.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo ah labada Xisbi ee loollanka weyn dhex maray doorashadii madaxtnimada ee 2017-kii, ayaa doorashadan mar kale ku loollamaya.

Doorashadan, ayaa waxaa ku tartami doona murashixiinta xilka madaxweynaha, kuwaas oo kala kala socda saddex xisbi iyo ururro siyaasadeed.

Doorashadan, ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo markii ay madax-banaanideeda la soo noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here