Maxkamadda Ceerigaabo Oo Xukunno Ku Riday Ragg Dhuxulaysato ah

0
430

Ceerigaabo (Hargeisa Press): Maxkamada degmada Ceerigaabo ayaa maanta xukun ku riday  ragg lagu eedeeyay in ay caadaysteen jarista dhirta qoyan oo ay Dhuxul ka shidaan.

Sidoo kale waxay maxkamadu xukuntay gaadhigii ay wateen nimankaasi, kaasoo ay ku raraan Dhuxusha ay ka shidaan dhirta qoyan ee  ay jaraan.

Nimankaasi oo tiradoodu ahayd  saddex danbiile ayay maxkamadu ku riday xukuno kala duwan oo isugu jiray ganaax lacageed iyo xabsi.

Raggan ay maanta maxkamadda degmadda Ceerigaabo xukuntay ayaa la sheegay in ay yihiin caadaysteyaal marar badan oo hore lagu soo eedeeyay in ay dhirta qoyan Dhuxul ka shidaan.

Kuwaasoo lagu eedeeyay in ay dhirta qoyan inta ay jaraan kadibna Dhuxul ka shidaan, iyado dhuxushaasina loo dhoofiyo dhinaca dekadda Boosaaso ee Puntland.

Halkaasoo looga sii dhoofiyo wadamadda khaliijka Carabta, oo dhuxul aad u fara badani sanad kastaba uga tagto deegaamadda Puntland.

Waxaana xukunka raggaasi ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmadda Ceerigaabo, kaasoo sheegay in raggaasi lagu xukumay xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here