Maxay ka wadahadleen Guddida doorashooyinka Somaliland iyo Ururrada bulshada rayidku?

0
1367

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta waxaa ay kulan la yeesheen ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ay hoggaamineyso dallada SONSAF.

Kulankan guddida doorashooyinka qaranka iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayaa ka dhacay xarunta guud ee guddida doorashooyinka ee Hargeysa.

Guddida doorashooyinka, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland, oo haatan maraya heer gebogebo ah.

Xubnaha ururrada bulshada rayidka, ayaa uga mahadnaqay guddida doorashooyinka qaranka dedaalka ay ku bixinayaan diyaar-garowga doorashooyinka.

Waxaana ay ururrada bulshada rayidku balanqaadeen inay guddida doorashooyinka kala shaqaynayaan hawlaha doorashada, gaar ahaan wacyigelinta bulshada ee ilaalinta nabad-geliyada iyo xasiloonada guud iyo xuquuada codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here