Hargeysa (Hargeisa Press) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kormeeray qaybtii labaad ee xafiisyada xisbigu ku leeyahay qaar ka mid ah degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo sida ay u socoto Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo hawsheeda la soo gunnaanadayo caawa fiidka.
Waxaana masuuliyiintan ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo madax kale oo wehelinaysay oo ka mid yihiin; Xoghayaha Guud ee xisbiga, Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), Ku-xigeenkiisa Maxamuud Jaamac Qoofal, Afhayeenka Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Allamagan Abiib Siciid, Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) iyo xubno ku jira fulinta iyo heer qaran ee xisbiga.
Masuuliyiintan, ayaana sidoo kale kormeer la xidhiidha dardargelinta xisbiga iyo ku wacyigelinta bulshada ee diiwaangelinta codbixiyayaasha ku soo maray xafiisyada KULMIYE ku leeyahay degmooyinka 31ka May, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.
Waxaana Madaxdan xisbiga Kulmiye halkaasi ku qaabilay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee degmooyinkaasi.
Dhinaca kale, madaxda KULMIYE waxay booqdeen goobo ka mid ah kuwa Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ka socoto ee degmooyinka ay kormeerka ku mareen.
Waxaanay xog-waraysteen hawl-wadeennada ka shaqaynaya hawshaasi, iyagoo dadweynahana ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan saacadaha kooban ee ka hadhsan wakhtigan la qorsheeyey in la xidho hawsha Diiwaangelinta.
Hoos ka daawo muuqaalka