Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay wefti ka socda dowladda Faransiiska

0
2004

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Amb. Arnaud Suquet.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga Faransiisku, ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo dowladda Faransiiska.

Kulanka, ayaa waxa kale oo lagu lafo-guray taageerada dowladda Faransiiska ee mashaariicda dhinacyada horumarinta caafimaadka, ilaalinta goobaha taariikhiga ah, dhaqanka iyo horumarinta xoolaha, sida lagu sheegay bayaanka madaxtooyada.

Madaxtooyada, ayaa bayaanka ku sheegtay in kulanka lagu gorfeeyey  arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda gobolka Geeska Afrika, waxa aanay Somaliland u caddaysay inay diyaar u tahay inay deriskeeda kula noolaato horumar iyo wax wada qabsi.

Kulankan, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Qarshaynta, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan wada-hadalada Adna Aadan Ismaaciil iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Amb. Cabdiraxmaan Yaasiin.

Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Mathieu BRUCHON, oo ah Madaxa adeegga dhaqaalaha gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Lucile Carrez, oo isna ah La-taliyaha dhanka Siyaasadda ee Safaaradda Faransiiska iyo Mohamed Sahardiid Raage oo ah la taliyaha arrimaha ganacsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here