Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay xuska aasaaska Ciidamada Booliska

0
1089

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidamada Booliska Somaliland, taasi oo maanta ku beegnayd.

Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno, wasiirro, madax ka socotay axsaabta qaranka, siyaasiyiin, haldoor iyo marti sharaf kale.

Waxana ugu horrayn goobta lagu soo bandhigay masraxiyad xiiso badan oo bayaaminaysay kaalinta ay ciidanka boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay nolosha dadka iyo wada-jirkaba muhiimka ugu yihiin.

Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey ciidanka booliska, xaasaskooda iyo ubadkoodaba, waxana uu ku sifeeyey naftood-hurayaal qarankooda wax badan gashaday oo wakhti kasta u adeega.

Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa dhankiisa bogaadiyey sannad-guurada 31-aad ee ka soo wareegtay Aas aaskii ciidanka Booliska, waxana uu sharraxay marxalado adkaa oo uu Boolisku soo maray, isaga oo sheegay inuu ciidanka Boolisku gaadhay meel wanaagsan oo horumar leh.

Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye guuto Ibraahim Cabdi xaaji Maxamuud, ayaa si faahfaahsan u sharraxay dembiyadii dhacay sanadkii u dambeeyey iyo sida ay boolis ahaan u maareeyeen, waxana uu muujiyey sida tudhaalaha leh ee ay ciidanku ula soo dabbaasheen hawlgalladii amniga lagu xasilinayey ee ay wajaheen.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Booliska, waxana uu sheegay inay ka hoggaan ahaan si weyn u dhiseen ciidanka booliska, aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba, una dhammaystireen wax kasta oo muhiim u ah shaqada culus ee ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa boggaadiyey ciidanka Booliska, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii bilowga ahaa ee loo soo maray dhismahooda iyo sida ay u noqdeen kuwo horumarsan oo waajibkooda si fudud u guta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ciidanka Boolisku fure u yihiin midnimada bulshada iyo wada-jirkooda, xuquuqda dadkana ilaaliyaan, waxana uu yidhi, “Boolisku xuquuqda uu Dastuurku qofka siiyey bay ilaaliyaan, dadkuna waxay degaan oo nabaddu timaadda marka xuquuqdooda la ilaaliyo.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray hool weyn loo bineeyey ciidanka booliska, 16-xafiis oo cusub, kaalin shidaal, cusbitaal casri ah oo ciidanka boolisku yeelan doono iyo dhismeyaal kale oo dhamaantood laga maalgelyey miisaaniyadda qaranka, isaga oo shahaado-sharafyo guddoonsiiyey saraakiisha dhismeyaashaas hirgeliyey oo ka tirsan waaxda dhismaha ee ciidanka Booliska.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here