Maareeyaha Dekada Berbera Oo Soo Dhaweeyay Wefti Ka Socda DDS Itoobiya

0
450

Berbera (HP): Maareeyaha dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa maanta xarunta dekadda Berbera ku soo dhaweeyay wefti ka socday dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxaana weftigaasi hoggaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga e dds Itoobiya, kuwaas oo ka socday DDS, isla markaana uu horkacayay wasiirka wasaaradda ganacsiga.

Maareeye Siciid waxa uu sidan ku sheegay war qoraal ah oo ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.
Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi “Waxa maanta aan ku soo dhaweeyay dekedda caalamiga ah ee Berbera, wefti uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland.
Kuwaasoo ka socday dawladd degaanka Somaliland, isla markaana uu horkacayay wasiirka wasaaradda ganacsiga”.
Maareeye Siciid, waxa kaloo uu sheegay in weftigaasi ay warbixin ka siiyeen horumarka iyo casriyaynta lagu sameeyay dekadda Berbera.


“Warbixin baannu ka siinay weftiga horumarinta lagu sameeyey dekedda Berbera, gaar ahaan dhinaca Qalabka iyo horumarinta adeegyadda kala duwan ee ay bixiso Dekedda Berbera” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Siciid Xasan Cabdillaahi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here