Washington DC, (HargeisaPress) — Waxa aynu markasta nidhaahnaa waddanka waa in loo raadiyo cid maalgashata; si aynu fursad ugu helno in dhaqaalaha la kobciyo, dadkeena shaqo loo abuuro, la dhiso waddanka oo la sameeyo illo dhaqaale oo waawayn oo waddankeena iyo qaranimadeena xoojiya. Ujeedada ugu wayn ee Somaliland leedahay heshiiska DP World, waxa weeye inaynu dekeda Berbera u helo maalgashi lagu dhiso oo lagu qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna u noqoto mid kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhanaano UAE oo u noqono saaxiib wanaagsan suurto galna u noqoto in passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato. Taas weeye ujeedada heshiiska DP World.
Somalidu waxay tidhaahdaa qofka aad kabaha aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. Waxa is waydiin leh ma dameerteenii baa nin geele inoo dhex gelaysa heshiiskan; mise dayday xayraan ah baynu wax ku darsanaynaa oo inaga uun dheef inaga deyaya?
Tobanka dekadood ee adduunka ugu waawayn ee lagu rogo containers waawayn afar ka mida waxa maamulkeeda loo dhiibay DP World. Tobanku waxay ku kala yaaliin;
[1] Shanghai, China, 33M containers, [2] Singapore, Singapore, 32M, [3] Shenzhen, China, 23M, [4] Hong Kong, Hong Kong, 22M, [5] Busan, South Korea, 17.6M, [6] Ningbo-Zhoushan, China, 17.3M, [7] Qingdao, China, 15.5M, [8] Guangzhou, China, 15.3M, [9] Jebel Ali, UAE, 13.6M, [10] Tianjin, China, 13M
Shirkada DP World waxay maamushaa afar ka mida tobanka dekedood ee adduunta ugu waawayn, afartaas oo kala ah (ta 4raad Hong Kong, ta 7aad Qingdoa, ta 9aad Jebel Ali iyo ta 10aad Tianjin. Saddex waa Chinese midina waa Dubai). Shirkada DP World waxan heshiis kula jirtaa 40 waddan oo waxa u shaqeeya shaqaale ka badan 37 kun oo qof oo kala jooga 110 waddan.
Wadamada kale ee ay Dubai World u maamusho dekado waawayn oo Terminalka la soo mariyo waxay weeye (China, India, Indonesia, Pakistan, Phillipene, South Korea, Viatnam, Thailand, Australia, Argentine, Brazil, Dominican Republic, Suriname, Algeria, Belgium, Djibouti, Egypt, France, Germany, Mozambique, Netherlands, Romania, Saudi Arabia, Senegal, Spain, Turkey, UAE, iyo United Kingdom). Intaasuba waa waddamo la aqoonsan yahay oo ka mida kuwa caalamku ugu dhaqaalaha badan ama ugu waawayn. Waxan shicibka Somaliland tusaalaynayaa in shirkada Dubai Ports tahay shirkad caalamka laga yaqaan oo lagu aaminay inay maamusho dekedaha addunka ugu wayn oo ku yaala wadamada caalamku ugu waa wayn. Taas macnaheedu waxa weeye; dawlada Somaliland waxay heshiis la gelaysaa shirkad caalamka oo dhan xidhiidh ku leh oo caalamka ku leh saaxiibo fara badan oo wax inoo tari kara. Shirkadanu haddii illaahay ka dhigo marka ay ina maal gashato Somaliland, waxay inoo noqonaysa saaxiib wanaagsan, oo wanaageena iyo danteena lexejeclo ka hayso si ay u illaashato maalgashigeeda. Marka nin saaxiibo badan leh, oo caalamka laga yaqaana, oo adduun iyo maalgashi farabadan haystaa kula saaxiibo, marka heshiiska laga tago, saaxibtinamadiisa ayaad ku faaiidaysaa oo wax tar wayn kuu leh.
Heshiiskan waxa la hor keeni doono Barlamaanka Somaliland; oo ay dawladu waydiin doonto inay ansixiyaan heshiiska aynu la gelayno DP World. Waa heshiis qaranka iyo ummada Somaliland wax tar wayn u leh oo dhaxaltooyo u noqonaya mustaqbalka qarankeena, oo qayb libaax kaga jira dhismaha qarankan, kobcinta dhaqaalaha, shaqo samaynta, iyo raadinta ictiraafka aynu caalamka ka doonaynoba.
1 – Qaybta kowaad waa heshiiska ku kooban labada dawladood ee Imaaraadka\Dubai metelayso iyo Somaliland. Waxa ugu horeeya in labada waddan imaaraadka\Dubai iyo Somaliland wada samaystaan xidhiidh dhaqaale iyo baayacmushtarka ah oo labadooda ka dhexeeya. Inay ka wada shaqeeyaan dhinaca shaqo u samaynta sidii dadka reer Somaliland ay uga shaqayn kari lahaayeen Dubai; sidii Dubai ay uga dhisan lahayd hotelo 4 star ah Hargeysa iyo Berbera, sidii loo dhisi laha haamo shidaal oo cusub, sidii loo dhisi lahaa dariiqa isku xidha Berbera iyo xaduudka Ethiopia. Inay laba waddan samaystaan xidhiidh joogto ah, iyo gudi joogta ah oo uga wakiil noqda kobcinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dawladood. In xidhiidhka ka dhexeeya shirkadaha baayacmushtarka ee Dubai iyo Somaliland lagu soo xidho heshiiskan oo ay aad u kordhiyaan xidhiidhkooda, oo la sameeyo waftiyo joogta ah oo baayacmushtariga metelaya oo labada dawladood qabanqaabiyaan. In wixii is qabsi ah ee yimaada loo xalilo si dimplomaasi ah. In heshiiskan labada dawladoodba ka bixi karaan haddii ay u arkaan inaanu waxtar u lahayn; laakiin looga baahan yahay haddii midi heshiiska ka baxayso inay dawlada kale siiyaan ogaysiin buuxa muddo lixdan casho ka hor ah inta aanay heshiiskan ka bixin.
Shicibka Somaliland waxan u sheegayaa heshiiskanu wuxu muujinayaa in Somaliland ay heshiis culus la gashay dawlad ka mida caalamka (UAE), inay Somaliland tahay qaran jira oo caalamka la gala heshiisyo culculus, oo heshiiskanu wuxu xoogaynayaa qaranimada Somaliland. Haddii Dubai ay inala gashay heshiis dawladaha kalena way ku soo dhiiranayaan inay heshiis inala galaan. UAE iyaga oo dantooda eegaya ayay heshiiskan inala galeen, cidkastaana dantooda marka ay inaga dhex arkaan waxay inala gelayaan heshiiskan oo kale. Inagana heshiiskanu kor ayuu u qaadayaa qaranimadeenii oo waxa aynu yeelanay oo inoo soo kordhay saaxiib culus. Markii hore Ethiopia ayaa inoo ahayd saaxiibkeena ugu culus, imika xaga Carabtiina waxa inooga soo kordhay saaxiib culus oo labaad, taas oo heshiiskanu inoo suurto gelinayo. Dawlada Dubai markasta waxay illaashanaysaa dhaqaalaha kaga jira Somaliland oo nabadgelyadeena, horumarkeena iyo wanaageena ayay jeclaanaysaa markasta. Sidaa daraadeed heshiiskanu waa mid marka laga tago dhinaca dhaqaalaha, kor u qaadaya qaranimadii iyo himiladii shicibka Somaliland ay raadinayeen. Inaga shicib iyo dawladba waxa inoo taala inaynu garano meesha inagana wax inooga kordhayaan cid kalena dantooda ka dhex arkayso, taasaa inoo hawl yaraynaysa in caalamka ay la yeelano xidhiidhka iyo aqoonsiga aynu doonayno. Qof kasta iyo waddan kasta dantooda marka ay kaa dhex arkaan way ku soo raacayaan. Sidaas ayaynu qaranimadeena ku xoojinaynaa, maantana heshiiskanu wuxu inoo sameeyay saaxiib cusub oo illaalinaaya xoolahiisa iyo asxaabtiisa oo aan wanaag mooyee ogolaan doonin in reer Somaliland dhibaato gaadho xagay doontaba ha ka timaadee. Sida maanta Ethiopia saaxiib inoogu aragto ayay berito Dubai inooga dhigaysaa saaxiibkooda gaarka ah ee maalkoodii ay ku aamineen.
2 – Qayba labaad –Waxa la samaynayaa shirkad cusub oo maamusha Dekeda Berbera, shirkadaas oo dawlada Somaliland iyo dawlada Dubai wada yeelanayaan. Shirkada lacagta lagu maal gelinayo waxa loo kala bixinayaa Dubai 65% ayay bixinaysaa Somaliland-na 35% ayay bixinaysaa. Shirkadan ayaa lagu wareejinayaa maamulka dekeda Berbera. Hadhow marka shirkadu maamusho dekeda Berbera wixii ka soo baxa inta aan kharashka ku baxa dekeda laga jarin, marka hore Somaliland waxa la siinayaa 5 million sannad kasta, marka labaad Somaliland waxa la siinayaa boqolkiiba toban 10%, ka dib waxa laga jarayaa kharashka ku baxa dekeda, marka saddexaad inta soo hadha ayay Dubai qaadanaysaa 65% ka dibna Somaliland qaadanaysaa 35%-ka kale. Somaliland waxay markasta helaysaa 45% iyo waliba shan million oo dheeraad u ah sannadka. Intanu waa sida loo qayb sannayo wixii ka soo baxa.
Intaa waxaa dheer maalgashiga dawlada Dubai ay maalgashanayso dekeda Berbera. Marka hore maalinta la saxeexo heshiiska Dubai waxay Somaliland siinaysaa shan iyo toban milyan oo xaqul qalin ah, waxay keenaysaa qalab cusub dekeda imika jirta lagu qalabeeyo oo heshiiska ku qeexan oo qiimihiisu yahay laba iyo lixdan milyan ($62 million dollars). Waxa intaa dheer oo muhiimada ugu culus Somaliland u leh in sannadka ugu horeeya DP World bilaabayso dhismaha deked cusub oo labaad oo laga soo dejiyo Konteenarka dekedaas oo dhererkeedu yahay 400 meter iyo qalabkeedii oo ay ku baxayso lacag dhan boqol iyo todobaatan $170 million oo dollar. Marka dekeda cusubi shaqayso ee la gaadho in awoodeedii la wada isticmaalay, waxay DP World dhisaysaa deked saddexaad oo dhererkeedu yahay 400 meter oo kale iyo qalabkeedii, dekedaas oo lagu qiyaasay inay ku baxayso ugu yaraan laba boqol iyo toban kun $210 million oo dollar. Heshiiskanu waa heshiis soconaya soddon sanadood. Waa heshiis DP World aanay gaadhi Karin dhamaan go’aanada waawayn oo dhan keligeed iyada oo aan la tashanin Somaliland. Waa heshiis aan ogolayn inay DP World maamulkeedu aanay shir fadhiisan Karin haddii aan qof metelaya Somaliland aanu shirka fadhiyin oo goobjoog ka ahayn.
Waxa is xasuusin mudan heshiiskanu waa heshiis aad loogu rajo wayn yahay in dawlada Ethiopia ay ka soo dejisan doonto alaabta ay dibada kala soo degayaan ugu yaraan boqolkiisa soddon 30%, halka imika ay ka soo dejisato Berbera boqolkiiba laba 2%. Waa heshiis labada dhinacba DP World iyo Somaliland-ba ay aad ugu hanwayn yihiin inay sidan ugu badinayso oo dhaqaale badani ka soo gelayo marka Ethiopia gaadhsiiso waxay la soo degayso boqolkiiba soddon 30%, DP World waxay doonaysaa inay hadhowto gaadhsiiso in Ethiopia ay dhaafto oo Afrikada kale gaadhsiiso alaabta ka soo degaysa Berbera. Maanta Somaliland sidii aan horeba ugu soo sheegay markaan ka hadlayay inta meelood ee Dubai Ports ay shaqo ka hayso, maanta Somaliland awood uma laha inaynu lacagta iyo maalkaa intaa tiro le’eg ($500 million oo dollar) aynu gelino dekeda Berbera, Ethiopia inagu aamini kari mayso inay qaadato fursad ay alaabta dibada uga imanaysa 30% ay Berbera ku soo mariso illaa marka hore maalgashiga intaa le’eg lagu sameeyo dekeda Berbera oo awooda iyo tayada dekeda kor loo soo qaado. DP World waxay inoo suurto gelinaysaa intii aynu doonaynay dhinaca dhaqaalaha kobcintiisa, waxay maal gelinaysaa dekeda Berbera, waxay inagala shaqaynaysaa sidii maalgashi loogu samayn lahaa wadada Berbera iyo xadka Ethiopia u dhaxaysa oo ay balanqaadeen inay iyaguna ka qayb qaadanayaan, waxay inoo suurto gelinaysaa inay shirkadaha waawayn ee caalamka ee ay xidhiidhka la leedahay ay ku tidhaahdo kaalaya oo Berbera ku nasta, oo alaabtiina ku roga, si Markab kale Berbera uga qaado oo u geeyo meesha ay alaabtiinu ku socotay si ay Berbera u noqoto istaan Markab oo Maraakiibtu waxna ku rogaysay waxna ka qaadaysay, alaabtaas oo qaar ka mida u socoto meelo kale oo aan Berbera iyo Ethiopia midna shuqul ku lahayn. In dekeda Berbera laga dhigo meel maraakiibta lagu sameeyo haddii sida aynu ku rajo waynahay ay u dhacdo oo Ethiopia maalkeedu si fiican u maro Berbera oo xidhiidhkeenu u wanaagsanaado si ka wayn ka ay Ethiopia la leedahay Djibouti, waxay inoo suurto gelinaysaa inay Ethiopia ina aaminto oo halka maanta heshiiskeenu yahay boqolkiiba soddon ay ka sii kordhiyaa oo ka dhigaan boqolkiiba konton 50%. Taasu Berbera iyo Djibouti way isa soo gaadhsiinaysaa oo way ina simaysaa.
Dekedaha cusub ee la dhisayo sida heshiiska ku qoran waa dekedo casri ah oo lagu soo rogayo konteenarada labaatanka feetka ah, ma aha wax xamaalka dekeda Berbera tuurta ku qaadi karo, dekadan imika jirta sideeda ayaa loo daynayaa waxa lagu soo kordhinayaa qalab cusub oo casri ah. Laakiin dekeda la isku halaynayo inay alaabta badan ee konteerada ku jirtaa timaado waa dekeda cusub. Heshiiska waxa ku jira in sharkada cusubi ay dhamaan shaqaalaha dekeda Berbera ka masuul noqoto shaqadoodana ay haystaan. Hadhow marka dhowr sanno ka soo wareegaan shaqaaluhu intii hore aad buu uga badanayaa oo qalabkan cusub ee la keenayo iyo dekedahan cusub ee la dhisayo waxay u baahanayaan dad ka shaqeeya, xataa haddii qaar dibada laga keeno, markasta intooda badani waxay ka imanayaan Somaliland oo dhan. Waxay gaar ahaan ka imanayaan Saaxil iyo gobolada kaleba.
Hadhow wixii la dhiso ee dekeda lagu kordhiyaa waa wax inoo yaala oo waddankeena laga dhisay cidina tuurta ku qaadan mayso marka deked cusub la dhiso ee ha ka degdegina inta la inoo dhisayo, maanta misaajidka keliya ee Berbera lagu tukado waxa dhisay Turkey-gii joogi jiray (malaa imikaa masjid cusub la furay dhowaan). Airportka Berbera waxa dhisay Ruush, waakaa wali maanta kuu taagan. Markaa dekeda cusub ee laguu dhisayo adigaa iska leh Dubai qaadan mayso, qalabka la keeno adigaa iska leh Dubai qaadan mayso. Shaqaaleheedu waa adiga, maanta ayaynu gaadhaynaa himiladeenii ahayn inay Ethiopia wixii ay la soo degayso 30% soo marsato Berbera. Intii hore waxay ahayd riyodeena, maanta laakiin marka DP World ay maalgashigaa samayso, riyadeenii way rumoobaysaa. Marka la inoo dhiso wadada Berbera iyo Wajaale inagaa iska leh oo marayna, hadhow dadka alaabtan rarayaa baabuurtooda, dadka ka shaqaynaya, meesha ay wax ka cunayaan, meesha ay seexanayaan, Airportka ay ka soo degayaan waa Berbera, iyo meesha ay ku maydhanayaanba waa adiga magaalooyinkaagii oo kuu camirmaysa. Waxa maalin dhow la arkayaa iyada oo magaalada Berbera dhulkeedu ka qaalisan yahay dhulka Hargeysa.
Waxad arki doontaa iyada oo shirkadaha Somaliland heshiis la wada galeen shirkadaha Ethiopia si ay u maamulaan alaabta u soo maraysa dekeda Berbera, iyada oo dhaqaalaha dekeda Berbera ka soo baxaa shan jibaarmay oo oo gaadhay $500 million, oo miisanada dawlada gaadhay in ka badan billion dollar halka maanta miisaaniyada dawladu ka tahay laba boqol iyo konton million oo dollar. Waxa jira waddamo fara badan oo ama deked keliya sida Singapore iyo Hong Kong ama biriij keliya sida Panama ay is bedel wayn ku sameeyeen dhaqaalaha waddankooda. Maanta taas mid la mida ayaynu ka rajaynaynaa heshiiskan iyo dekeda Berbera. Caalamka magaalooyinka ugu waawayn waxa halkaas gaadhsiiyay waa dekadahooda inaguna horumarkaas ayaynu ka filaynaa dekeda Berbera.
3 – Qaybta saddexaad ee heshiisku wuxu qeexaya sida loo maamulayo dekeda, maamulka dekeda waxa leh guddi ka kooban toddoba qof oo shan kamida ay DP World magacaabayso lab ka midana Somaliland magacaabayso. Gudidan oo gaadhi karta dhamaan go’aamada waawayn ee shirkada, gudidan shir uma qabsoomayo oo ma fadhiisan karto haddii aanu la joogin qof ka mida gudida oo metalaya Somaliland. Markaa shirkadanu iskama gaadhi karto go’aano ka soo horjeeda Somaliland.Hadii isqabsi yimaado, marka waxa lagu xalinayaa shirkada gudaheeda iyo Berbera dhexdeeda, marka labaad waxa la isla tegayaa Dubai, marka saddexaad waxa lagu kala baxayaa maxkamadaha ku yaala waddanka ingiriiska oo gaadhaya xukunka kama dambaysta ah. Heshiiskana waynu ka bixi karaa haddii uu noqdo mid aan waxtar inoogu fadhiyin. Iyaguna way ka bixi karaan haddii ay dantooda ka dhex waayaan.
Heshiiskanu waa heshiiskii ugu waynaa ee qaranka Somaliland galaan, waa heshiis midhihiisa loo arkayo si dhakhso ah. Heshiiskanu wuxu noqonayaa mid dhamaan Somaliland oo dhami wada aragto, xildhibaanada barlamaanka Somaliland-na la horkeeno oo ay u codeeyaan oo la waydiiyo inay ansixiyaan. Markaa waxan leeyahay shicibka Somaliland ha ka hor degina, oo yaan qof aan xogtii runta ahayd haynin idin hor cararin oo been idiin sheegin. Maalinta heshiiska la hor keeno Barlamaanka Somaliland, maalintaas dhamaan shicibka Somaliland way wada arkayaan wixii heshiiska ku jira iyo wixii aan ku jirin, in heshiiska danteenu ku jirto iyo in aanay ku jirin. Markaa maanta warxumo tashiil been iyo belaayo la ordayaa yaanu danta qarankeena inaga burburinin. Haddii Barlamaanku diido inay heshiiska ansixiyaan heshiiskanu halkaa ayuu ku istaagayaa danta qarankeenuna halkaas ayay ku lumaysaa hadii taasu dhacdo. Laakiin waxan kalsooni buuxda ku qabaa inay xildhibaanada barlamaanka Somaliland ay garawsan doonaan sida heshiiskanu kor ugu qaadayo qaranimadeena, sida heshiiskanu u yahay mid danta qaranka dhinac dhaqaale, dhinac siyaasada dibada iyo dhinacii aqoonsigaba inaga caawinaya inuu yahay.
Heshiiska waxa geed dheer iyo mid gaaban labadaba u fuulay in heshiiskanu dhaco dawladaha Somaliland, dawlada Ethiopia iyo dawlada Dubai. Heshiiskan markii hore DP World waxay doonaysay inay la gasho waddanka Eriteria oo leh dekeda Masawac ee berigii hore ay Ethiopia isticmaali jirtay. Ethiopia waxay ka dagaalantay in DP World aanay heshiiskan la gelin Eriteria ee ay la gasho Somaliland. Taasaa qayb libaax ka qaadatay oo aad iyo aad u suurto gelisay inaynu heshiiskan la galo DP World, taasu waxay kale oo suurto gelisay inay DP World tix gelin dheeraad ah siiso Somaliland, dhinaca DP World iyagu laftoodu aad iyo aad ayay u dadaaleen inay helaan ogolaanshaha Somaliland inay heshiiskan la gasho. Inaga haddaynu nahay Somaliland, inay Ethiopia heshiiskan rabto wuxu inoo yahay guul, waayo waddanka aynu ka filayno in alaabtooda laga soo dejiyo dekeda Berbera waa Ethiopia. Heshiiskanu wuxu suurto gal ka dhigayaa inay hawl yaraato in Somaliland shirkadaheeduna wax u dhoofinan Ethiopia oo halkaas uu inooga soo baxo suuq wayn oo shaqooyin fara badan inoo sameeya.
Wadamada heshiiskan ka soo horjeeda waxa ugu horeeya Somalia oo aan marnaba doonaynin in wadan caalamka ka mid ahi inuu heshiis la galo Somaliland, waanay ka dagaalameen, si publicly ahna way uga hadleen oo waatii aad arkayseen ee ay lahaayeen maxkamada adduunka ayaanu DP World geynaynaa mar hadday Somaliland heshiis la galeen, waxay ka tahay xin iyo xaasidnimo ay Somaliland la hor joogaan. Waxay doonayaan in heshiiskan DP World la gasho Boosaaso, Kismaayo ama Muqdisho. Laakiin inaga inooma ogola. Waxa kale oo ka soo horjeeda Eriteria oo iyadu doonaysa in iyada heshiiskan ay DP World la gasho oo dekedooda Musawac ay maal geliso oo loo casriyeeyo. Waxa kale oo heshiiskan ka soo horjeeda waddanka Djibouti oo aan jeclayn inay Ethiopia hoos u dhigto wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti oo ay kordhiso waxa ay kala soo degayso dekeda Berbera. Djibouti waxay samaysay maalgashi ka badan sagaal boqol oo milyan oo dollar oo lagu dhisay shan dekedood oo kale duwan, mid xoolaha oo keliya laga dhoofiyo, mid macdanta oo keliya laga dhoofiyo, mid kaluunka laga diro, Doraleh oo kontaynarada oo keliya laga soo rogo, waxaas oo maalgashi ah Djibouti waxa u sameeyay shirkado ajnabi ah oo DP World ka mid tahay. Djibouti ma rabto maanta oo ay maalgashiga intaa tiro le’eg ku sameeyeen dekedahoodii inay Ethiopia hoos u dhigto alaabtii iyo wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti, markaa cid waliba hayska hadashee Djibouti ma jecla inay DP World maal gashato dekeda Berbera waayo taas waxay u arkayaan inay iyaga dekedooda wax ka soo degi lahaa loo leexinayo dhinaca Berbera. Caqliga saxa ah wuxu ku tusayaa Djibouti danteeda kuma jirto inay Dekeda Berbera guulaysato oo waynaato, waayo taas macnaheedu waxa weeye waxay la tartamaysaa dekeda DJibouti.
Waxan xasuusinayaa kuwa war la’aantu hayso ee heshiiska DP World iyo Somaliland canaanta u soo jeedinaya iyaga oo aan wali arag heshiiskii oo dhamays tiran: waar haddaa dekeda Berbera in la maalgashado diidaan, ma waxa doonaysaan in heshiiskan DP World ay la gasho Somaliya oo la dhiso Boosaaso, Kismaayo, iyo Muqdisho, mise waxa doonaysaan inay Djibouti sidaas inoo hor fadhido oo iyaduna sii waynaato inaguna sii yaraano oo waxba yahay noqono. Runtu waxa weeye maanta waxaynu maraynaa heer ay danteenu ku jirto inaynu helo cid dekedeena maal gashata waayo inagu uma hayno kharashka ay u baahan tahay in lagu maal geliyo. Haddii aan la maalgelinin Ethiopia ma soo marinayso boqolkiiba soddon wixii ay la soo degayso, ee waxay inagu haynaysaa boqolkiiba laba ama saddex 2% wax aan dhaamin. Ka dibna waxay raadsanaysaa meel kale oo ay xoolaheeda soo marsato haddii heshiiskanu dhicisoobo. Maanta inaga danteena kuma jirto inaynu lumino fursadan qaaliga ah.
Xattaa waxa heshiiskeena ka soo horjeeda Egypt oo doonaysa in aynaan sidaas ugu sii dhowaan ama ku xidhmin Ethiopia, waayo Egypt waxay rabtaa inaynu Somalia midawno mar kale iyada oo uga dan leh inay Somalia Egypt dhinaceeda raacayso oo Ethiopia ka soo hor jeesanayso. Heshiiskan aynu Ethiopia la sii galaynaa waxay caalamku intooda badani (inta inaga soo horjeeda mooyaane) u arkaan mid inagu sii dhowaynaaya qaranimadeenii iyo aqoonsigeenii, mid inagu sii dhowaynaya Ethiopia, waxay u arkaan heshiis Somaliland gaadhsiinaya inay la tartanto Djibouti, waxay u arkaan heshiis keenaya horumar dhinaca dhaqaalaha geeska Africa. Dhamaan jaraaidka ka soo baxa caalamka, ama ha noqoto Africa ama Europe iyo America waxay wada qoreen in heshiiskanu yahay mid Somaliland kor u soo qaadaya oo ku dhowaynaya qaraminadii ay raadinayeen.
Markaa shicibka Somaliland waxan ogaysiinayaa heshiiskanu waa mid saaxibadeena sida Ethiopia u soo dagaalameen oo ay aad iyo aad uga soo shaqeeyeen sidii aynu ugu guulaysan lahayn. Markaas dantooda ayaa ku jirta inay Somaliland guulaysato oo heshiiskan la gasho dawlada UAE, caalamka qofkii dantooda inaga dhex arkaa wuu ina soo raacayaa oo inala saaxiibayaa. Maalintii dhowayd ee abaaruhu ku dhaceen Somaliland iyo Ethiopia labadaba, waxa dekeda Djibouti taagnaa oo hoganayay afartan Markab oo raashin siday oo sugayay inta dekeda Djibouti furmayso oo raashinka laga rogaayo, halka Ethiopia dadkoodii gaajo la dhimanayeen raashinkiina soo dhaafi waayay DJibouti. Taasu waxay suurto gelisay inay Ethiopia aqoonsato in danteedu ku jirto inay dekeda Berbera wax kala soo degaan. inagana danteena ayaa ku jirta inay Ethiopia soo marsato alaabteeda dekeda Berbera, oo taasu waxay keenaysaa in dhaqaalaheenu kor u kaco. Afarta wadan ee nagu xeeran (Ethiopia, Djibouti, Eriteria, iyo Somalia) ee saddex ka mida aynu la leenahay xuduud (Ethiopia, Somalia, iyo Djibouti), maanta waxa shaki la aan ah in saddex ka mid ahi ay inaga soo horjeedaan oo aanay marnaba doonaynin inaynu helno fursada heshiiskanu ina siinayo (Somaliya, Eriteria, iyo Djibouti). Waayo iyagu taas waxay u arkaan inay dantooda qaranimo ka soo horjeedo.
Nasiib wanaag maanta dawladeena iyo shicibkeenuba waxaynu isku raacsanahay sida heshiiskanu waxtar dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid qaranimo intaba inoo leeyahay, kuwa keliya ee sida dhabta uga soo horjeedaana ay yihiin cadawgeenii aan marnaba jeclayn inay Somaliland guulaysato. Waxan aad uga xumaaday marka aan arkay dad reer Somaliland ah oo sheegaya inay heshiiska ka soo horjeedaan iyaaga oo aan wali arag heshiiskii oo buuxa. Ama iyada oo aan tixgelin siinin baaxada faaiidada heeshiiskanu le’eg tahay iyo sida qaranimadeenu kor ugu kacayso. Heshiiskanu inuu guulaysto waxa ku farxaya Somaliland, Ethiopia, iyo Dubai, heshiiskanu inuu dhicisoobo oo guuldaraysto ama la saxeexi waayo, waxa ku farxaya Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo, Eriteria, iyo Djibouti kuwaas oo ah inta maanta aan aan jeclayn in Dekeda Berbera iyo Somaliland horumar gaadho oo guulaysato. Somaliland waxa maanta ku waajiba inaynu galo heshiiska DP World oo faaiido wayn u leh shicibka iyo qaranka Somaliland, Dubai, iyo Ethiopia. Waa heshiis caalami ah oo saddex waddan dhex maraya. Waa mid qarankeena gaadhsiinaya horumar, dhaqaaleheena kor usoo qaadaya, xoogaynaya qaranimadeena, saaxiibtinadii Ethiopia-na kor u sii qaadaysa.
Ujeedada ugu wayn ee Somaliland waxa weeye in dekeda Berbera aynu maalgashi u helo, in la dhiso oo loo qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhano UAE, passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato, in aynu yeelano saaxiibo waawayn oo caalamka ka mida, iyo in heshiiskanu inagu dhoweeyo himiladeenii in waddankeena la aqoonsaddo. Illaahay shicibka iyo qaranka Somaliland ha xoogeeyo oo guul iyo gobonimo waarta ha ku manaysto.
Rashid Garuf
Wakiilka Somaliland ee USA
Washington DC