Hargaysa: Culimo Ku Baaqay Adkaynta Amaanka iyo Wada Jirka Bulshadda

0
339

Hargaysa (HP): Qaar ka mid ah Culimaw-diinka Somaliland oo ka hadlay adkaynta nabad-geliyadda, iyo ilaalinta wada jirka bulshada jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnahan culimadda ah oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ugu baaqay dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland in meel looga soo wada jeesto ilaalinta amaanka.

Waxay fariin u direen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, iyo sidoo kale axsaabta qaranka. Iyagoo na ugu baaqay in la ilaaliyo midnimadda, iyo wada jirka bulshadda.

Sheekh Axmed Jaanbiir Guuleed, guddoomiyaha jamciyadda Aansaaru-diin, ahna agaasimaha waaxda shareecadsa ee wasaaradda Diinta, iyo Aw-qaafta Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay shacabka in ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabad-geliyadda. Sheekha ayaa xusay in aanay wax faa’iido ah lahayn in fidno la kiciyo, isla markaana khal-khal la abuuro.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay sheekh Khaliil Yuusuf Jaamac, sheekh Axmed Caabi, sheekh Ibraahim Diiriye, oo iyag na halkaa ka hadlay ayaa si isku mida iskaga daba maray qiimaha ay nabad-geliyadu leedahay.

Waxaanay sheegeen in ay waajib ku tahay guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland ilaalinta amniga dalka.

Culimadani ayaa Carrabka ku adkeeyay in nabad-geliyadu ay cid kasta dan u tahay, isla markaana dhamaanba dadweynaha, xisbiyadda mucaaradka ah, iyo ganacsatadda in looga baahan yahay in si wada jir ah loo ilaashado amaanka dalka.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Culimadda:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here