Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo shaaciyay tirada Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka

0
661

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka hadlay furitaanka Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe oo saaka looga fadhiistay guud ahaan Somaliland.

Guddoomiye Daa’uud, ayaa sheegay inay ka xafiis ahaan xil weyn iska saareen ilaalinta nuqullada rasmiga ah ee imtixaanka, islamarkaana kalsooni buuxda ku qabaan hannaanka uu imitxaanku u qabsoomayo.

Wuxuu sheegay in Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe ay guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/dhexe ah, waxana lagu gelayaa 129-goobood oo dalka oo dhan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here