Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland hay’addaasi u magacaabay.
Xildhibaanada golaha Wakiillada, ayaa waxaa ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada, iyagoo siiyay codka kalsoonida.
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo ansixinta kadib warbaahinta la hadlay, ayaa ka dareen celiyay qaabkii ay u ansixiyeen xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, isagoo xildhibaanada golahaasi uga mahadnaqay sida ay codka kalsoonida u siiyeen.
Guddoomiyaha, ayaana waxaa uu sheegay inay ansixintiisu uga dhigan tahay masuuliyad culus oo kortay, maadaama buu yidhi ay masuuliyadi ka saaran tahay shacabka Somaliland cuntadii ay cuni lahaayeen iyo daawooyinkii ay isticmaali lahaayeen.
Sidoo kale, guddoomiyaha, ayaa ka hadlay khibradiisa ku aadan shaqada hay’adda dhowrista tayada ee madaxda looga dhigay, isagoo sidoo kale shaaciyay in dalka ay keenayaan Shaybaadhyo cusub, si ay u ilaaliyaan badqabka shacabka.