Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa guddoomiyaha aqalka Wakiiladda ee isla Somaliland ku eedaysay inuu Dabka ku sii huriyay xaaladda Laascaanood.
Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Warfaafinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo maanta ka jawaabayay dhaliillo uu shalay madaxweyne Biixi, iyo xukuumadiisa u jeediyay guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/rasaaq Khaliif Axmed.
Wasiir Saleebaan Cali Koore, ayaa ku eedeeyay guddoomiye Khaliif, inuu caaddaystay fikirkiisa uu kaga soo horjeedo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu in badan isku dayey inuu qaranka khiyaamo.
Waxaanu sheegay wasiirku in guddoomiyaha golaha Wakiiladu uu noqday qofka keliya ee dhibkii Laascaanood yaallay sii laba jibbaaray, sidoo kalena aanu weligii wax qaranka dan u ah ka talinin.
Geesta kale wasiir Saleebaan Koore, ayaa golaha Wakiillada Somaliland u soo jeedinayay inay xilka ka qaadaan guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, maaddaama oo uu ka gudbay wixii uu u dhaartay iyo Dastuurikii qaranka.
DAAWO: Shirka Jaraa’id EeWasiir Saleebaan Koore:
Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.