Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa maanta shir iskugu yimi masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, waxanay go’aamo kasoo saareen saami qaybsiga kuraasta ee golaha wakiilada Somaliland.
kulamadii ugu danbeeyey ee ay iskugu imanayeen xisbiyada Somaliland, dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo akadamiga nabada horumarka ayaa go,aano lagaga gaadhay arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somailland.
Kulankii ugu danbeeyey oo maanta ka dhacay xarunta akadamiga nabada iyo horu marka somaliland ayaa laga soo saaray heshiis ka kooban sadex qodob, kaas oo loo gudbin doono madaxweynaha somaliland.
Qodobada heshiiska oo ka koobnaa sadex qodob ayaa kala ahaa
- in arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada dib loogu celiyo madaxweynaha Somaliland, isla markaana madaxweynuhu go’aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha wakiillada iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha march 2017-ka.
- waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go’aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.
- in Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo dallada ururrada Bulshada(SONSAF) ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP