Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Muranka Doorashooyinku Sababeen Falalka Jabhadeynta

0
1820
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay afduubkii ay jabhada buurta Gacan-libaax ka gaysatay deegaanka Dabagorayaale ee degmada Oodweyne.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu afduubka ay gaysatay jabhadaasi ku tilmaamay in ay tahay bilow rabshadeed oo muranka doorashooyinku ay sababeen.

Waxaa uu sheegay in doorasho aan laysla ogolayni anay Somaliland ka dhici doonin, isla markaana ay beesha deegaankiisu go’aansatay in anay gelin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

“Waxaan leeyahay Muuse wuu tashaday, reer Somaliland-now tashada, waar aynu umad ahaan u tashano, waar dalka haynaga burburinin waar maanta xabad ayaa layskugu keen dhiibayaa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here