Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa baraha bulshada si weyn ugu baahay Sawirrada Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dusha ka saaran Libaaxyo rabaayad ah oo lagu Xannaaneeyo magaalada Hargeysa.
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaana falcelin badan ka sameeyay sawirrada Madaxweynaha, balse ay ku kala ra’yi duwan yihiin.
Soomaalida dhaqankooda, libaaxa ayaa astaan u ah geesinimo, haybad iyo adkaysi, waxaana laga dheehankaraa sida ay ugu magacaabaan dadka ay ku tuhmayaan astamahaas oo dhan, inkasta oo sidaas si la mid ah dunida inteeda badan libaaxu u yahay.
Dadka qaar ee muuqaalka falaqeynayay, ayaa si madadaalo leh waxa ay ku tilmaameen sababta ka danbeysa in Madaxweyne Biixi uu Libaax dusha ka fuulo in ay ka turjumeyso geesinimo.
Kuwa kale oo ka aragti duwan, ayaa iyana arinkan ku tilmaamay “mid caadada iyo dhaqanka hareer marsan, oo libaaxu uu yahay mid haybad leh lana xaq dhowro”.
Kuwa kalana halis ayay u arkeen falkaas, oo in waxyeelo uu geysto bahalka ayayba ka baqeen.
Cali Maxamed Warancade oo ah mulkiilaha libaaxyadan oo u waramay BBC-da, ayaa wax laga weydiiyay, sida uu isagu u arko sawiradan uu Madaxaweyne Biixi la galay libaaxyadiisa, waxa uuna ku jawaabay, ‘’Aniga libaaxa waan isnaqaan oo anigaa rabeeya, balse isaga way ku cusbayd, laakiin waa geesi oo waa nin adag, waadna ogtahay cidina kuma dhacdo dhabarkiisa, marka waxa ay muujineysaa in madaxweynuhu geesi yahay’’.
Waxa uu intaa ku daray Warancade, “in libaaxu uu ku xidhnaa silsilad weyn oo xoogan waxaana xakameynayay rag wax ka yaqaana libaaxa”.
Dhulka Soomaalida, ayaa waxaa aad ugu yar dhulka miyiga ah iyo magaalooyin kaba in laga helo libaaxyo, marka laga yimaado dhowr meelood oo lagu hayo xayawaano loo daawasho tago, sida kuwa Warancade oo kale.
Balse xiliyo hore joogista libaaxa ee dhulka Soomaalida ayaa ahayd mid aad u xoogan.
“Libaaxa saaxiib ayaa nahay dhulkeena ayuuna u badanyahay, waxaadna ka garan kartaa magacyada qaar ee deegaanada sida Libaax qowdhama, Gondo libaax, iyo Gacan libaax iyo meelo kale oo loogu magacdaray,’’. ayuu yidhi Cali Warancade.
Cali Warancade, ayaa sheegay in uu hadda hayo shan libaax ayna saaxiib la yihiin, waxa uuna intaa ku daray in mararka qaar uu libaaxyada kaxeeyo oo uu duurka la tago si uu socod dheer ula sameeyo iyo hawagadis in uu magaalada uga saaro.
Sida loo xannaaneeyo Libaaxyada Hargeysa
Beerta libaaxyada Hargeysa oo ah halka lagu xannaaneeyo libaaxyadan, ayaa waxaa iskaleh Cali Maxamed Warancade oo ah siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.
Cali Warancade, waxa uu sheegay in libaaxyada uu xannaaneeyo ay yihiin kuwo hela adeegyada caafimaadka iyo cuntooyin dhameystiran.
Beerta lagu xanaaneeyo libaaxyada waxaa ka shaqeeya ilaa afar rag ah kuwaas oo u tababaran sida xayawaankaan loo xannaaneeyo iyo sida marka marti soo booqato beerta loo tuso libaaxa.
Libaaxyada, ayaa maalinkasta hela cunto joogto ah oo uu hilibku ugu horeeyo sida uu Cali uu sheegay, ‘’Waxaan hayaa shan libaax ah, midkiiba maalintii waxa uu u baahanyahay ilaa soddon kiilo oo hilib ah, caafimaadkooda iyo jidhkoodaba aad bay u wanaagsan yihiin, waxa ay ka qurux badan yihiin kuwa caalamka qaarkood,’’. ayuu yirldhi Warancade.
Halista libaaxyada
Dhawr jeer oo hore ayuu libaax ku baxsaday magaalada Hargeysa, sanadkii 2021 libaax ka soo baxsaday beerta Cali Warancade, ayaa dad ku dhaawacay magaalada kadibna waxaa toogtay ciidamada Booliiska.
Cali Warancade, ayaa xilligaas waxa uu sheegay sida tan, “Wiil xannaaneynayay ayaa albaabka furay si uu u quudiyo, ka dibna ay ku soo boodeen, albaabkana ka bexeen”.
Xilli uu da’ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.
Libaaxa baxsaday, ayaa la sheegay in uu qoorta ka dhaawacay gabadh. Dhaawaca haweenayda ayaa la sheegay in loola cararay Cisbitaalka. “Libaaxa ayaa laba xabadood lagu dhuftay oo dhaawacmay, ka dibna wuu sii daayay gabadha wuuna cararay oo wuxuu galay meel kayn ah deetana”, sida uu sheegay Cali Warancade.