Badhasaabka Gabiley Oo Kormeeray Kaam ay Miino Baadhista Ka Waddo HALO TRUST

0
374

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhiga Axmed C/risaaq Diiriye, ayaa maanta kormeer ku tegay Kaamka Miino baadhka ee ay haayadda “HALO TRUST” ka samaysay gobolkaasi.


Kormeerkaasi ayay u jeedadiisu ahayd mid badhasaabka iyo masuuliyiinta la socday ay ugu kuur gelayeen halka ay marayso hawsha nadiifinta Miinoo saarka ee ay haayadu deegaamadaasi ka waddo.
Kaamkaasi Miinno baadhka ee gobolka Gabiley ay ka saameeyeen haayadda Hello Trust ayaa lagu nadiifinayaa Miinooyinka iyo walxa qarxa ee deegaankaasi ku duugan.


Kormeerkaasi waxaa badhasaabka gobolka Gabiley, ku wehelinayay agaasimaha guud, iyo saraakiil ka socday haayadda Hello Trust.
C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabiley ayaa haayadda HALLO TRUST, uga mahad celiyay hawl galadda Mijno baadhka ee ay ka waddo gobolka.

“HALO TRUST, waan uga mahad-cellinayaa waxqabadkeeda ay hadda ka waddo gobolka Gabiley, ee ay uga nadiifinayso hadhaadigii Miinooyinkii halista iyo walxaha qarxa” ayuu yidhi badhasaabku.


Waxa kaloo uu badhasaabku sheegay in ka maamul gobol ahaan ay mar kasta ku dedaalayaan ka shaqaynta bed-qabka bulshadda gobolka.
“Ka maamul gobol Gabiley ahaan, waxaan mar kasta u taagan nahay ka hawlgalka bad-qabka bulshada sharafta leh ee gobolka Gabilay.
Waxaan sida qorshaysan HALO TRUST ay sii wadi doonta miino sifaynta” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaan bogaadinyaa una mahad cellinayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga iyo waftiguu hoggaaminayey dawrkooda weyn ee ay arrinta ka qaadanayaan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here