Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka oo Ka Qayb-gashay Kulan Lagaga Hadlayay Xeerka Naafada

0
692

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa maanta ka qaybgashay kulan looga hadlayay xeerka Naafada Somaliland.

Kulankan lagaga hadlayay xeerka Naafada oo ay qabatay dallada SNDF oo kaashanaysa Hay”adda Somliland NGO consortium, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo meel marin lahaa xeerka Naafada dalka Somaliland, kaasi oo horyaala golaha Wakiillada Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa ka warantay arrimo ku saabsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo doorka ay wasaarad ahaan ka qaadanayaan arrimaha ku aadan dadkaasi.

Waxay sheegtay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay kula da-daalayaan sidii wax loo bari lahaa, sidii ay u soo gaadhaan bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanay golaha Wakiillada ugu baaqday sidii ay u adkayn lahaayeen xeerka dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Agaasime Deeqa, ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay inay sigaar ah ugu hambalyaynayso Dumarka baahiyaha gaar ka ah qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here