Odowaa oo Somaliland Ka Dalbaday Inay Ku Soo Biirto Dagaalka Al-Shabaab

0
2559

Muqdisho (Hargeisa Press) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya.

Waxaanu xildhibaanku fariin dheer u diray dowladda Somaliland, kaasi oo ku aadan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab.

Odowaa, ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, si loo wajaho, loogana saaro guud ahaan Soomaaliya.

Xildhibaan  Odowaa, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in guud ahaan dadka Soomaalida looga baahan yahay gurmad iyo inay toos uga qayb qaataan dagaalka ay wado dowladda Soomaaliya, isaga oo farriin u diray dowladda Somaliland.

“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada aan hadda Shabaab Front Line-ka ka aheyn taakulaa laga rabaa, garabaa laga rabaa, hiilbaa laga rabaa. Dadkaas kuwa deegaankan kaliya jooga ma’aha Somaliland ayaa ka mid ah,” ayuu yidhi Xildhibaan Odowaa.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Somaliland inay garab istaag u muujiyaan shacabka Soomaaliya ee la dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, isaga oo ka codsay in hub iyo ciidan ay u soo diraan deegaanada ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

“Haddii ay carigan qararamsadaan meel ay daynayaan lama arko meel walba saas ayay u rabaan inay tegaan, markaa Somaliland iyo wixii kale oo Soomaali ah oo ka nabad qaba nimanka gurmadka wax haka soo galaan, haddii ay rag soo diri karaan hasoo diraan iyo gabdho haddii ay hub & rasaas soo diri karaan” ayuu raaciyay Xildhibaan Odowaa.

Soomaaliya, ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhalatay howlgallada ay ku qaaday Al-Shabaab ee haatan ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sii xoogeystay markii ay dagaalka ku biireen dadka shacabka ee ku dhaqan gobollada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here