Adhi-cadeeye (HP): Shirkii nabadaynta beelaha deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ayaa maanta la soo gebagabeeyay.
Shirkaasi ayaa wejigiisii hore la soo xidhay bilk a hor, iyadoo kan shalay la soo xidhayna uu socday muddo bill ah.
Kaasoo lagu dhex dhexaadinayay laba beelood oo deegaankaasi wada dega oo hore shaqaaqo ugu dhexmartay deegaanka Adhi-cadeeye.
Waxaaana ka qayb gelayay intii uu shirkaasi socday 54 ergay oo labadda Arrdaa ee la heshiisiinayay ka kala tirsan.
11 xubnood oo guddi madax dhaqameed iyo culimaw-diin isugu jiray. Shan wasiirr oo madaxweynaha Somaliland u soo diray, iyo badhasaabka gobolka Sool.
Xidhitaanka shirkaasi waxaa laga soo saaray go’aamo xukuumadeed oo ay xubnaha wasiirrada ahi ka soo saareen.
Xidhitaanka shirkaasi waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed, wasiirka xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Axmed, wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore.
Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood, saraakiil ka kala tirsan ciidamadda milateriga iyo booliska ee Somaliland, ergooyinka labadda beelood iyo sidoo kale ergadii dhex dhexaadinaysay labadda dhinac.
Waxaana halkaasi loogu kala wareejiyay labadda beelood lacagtii Duugta dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii hore u dhexmartay labadda Arrdaa.
Iyadoo lacagta Magta afarta nin ee shaqaaqadaasi ku dhintay waxaa u kala wareejiyay labadda dhinac badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxmauud Jiidhe.
Daawo: Go’aamadii iyo Hadaladii Xidhitaanka Shirkaasi Laga jeediyay:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.