Yaasmiin Cabdi Faarax: 21 Ku guulaysatay inay noqoto Duuliye Sare oo la Waraystay

0
1262

Mugdisho — Gabadh Soomaaliyeed oo da’deedu 21 jir tahay, ayaa ku guulaysatay inay ka mid noqoto Dadka hawada sare sida joogtada ah u mara, ka dib markii ay noqotay Cir-bixiyeen diyaaradeed amma duuliso diyaaradeed, iyadoo kicisa amma kaxaysa mid ka mid ah diyaaradaha Soomaaliya iyo dunida meelo ka mid ah isaga goosha.

Yaasmiin Cabdi Faarax, waxay ka warrantay siday ugu suuragashay inay noqoto duuliso diyaaradeed amma bayloot, iyadoo tilmaantay in Waalidkeed garab-istaagay, isla markaana ka caawiyeen inay ku guulaysato himiladeedii ay higsan jirtay iyadoo yar.

“Markaan dugsiga sare ka baxay waxaan ka fikiray wixii aan baran lahaa ama ku taqasusi lahaa waxaan jeclaaday inaan noqdo duuliye, waalidkay ayaan u soo bandhigay weyna aqbaleen.” Ayey tiri Yaasmiin.

Haddaba, Waraysi lala yeeshay Yaasmiin Cabdi Faarax oo Muqdisho diyaarad soo fadhiisisay markaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here