Xuska Sannad-guuradii 59aad Ee Xasuuqii Ayshica oo Maanta Lagu Qabanayo magaalada Ayshica Ee DDS Itoobiya

0
653

Jigjiga (Hargeisa Press)- Sida aan wada ogsoonahay sannadkii 1960kii markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayaa dadka reer Ayshica waxay sameeyeen dabaal deg aad u waynaa oo muujinayay farxadda ay la wadaagayeen walaalahooda Soomaaliya ee xornimada qaatay.

Haddaba Boqorkii xilligaa haystay Itoobiya ee Xayle Silaase ayaa markii uu ka war helay in dad uu isagu maamulo ay u dabaal dagayaan xornimada Soomaaliya waxaa uu Ciidankiisii amar ku siiyay in dadkii dabaal-dagga sameeyay oo dhan hal meel inta la isugu keeno la laayo, sidii ayaana lagu laayay dadkii oo isugu jiray Rag waawayn Hooyooyin iyo waliba caruur yaryar.

Haddaba maanta oo Sabti ah magaalada Ayshica ee Gobolka Shinniile ayaa lagu qabanayaa Xus aad u wayn oo loogu baroor diiqayo Xasuuqii 1960kii ay gaysteen Ciidamadii  Xaylesalaase, kaas oo lagu laayay dad shacab ahaa oo aad u tiro badan.

Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galaya Madaxda ugu saraysa Dawladda Degaanka Soomaalida oo ugu horeeyo Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, sidoo kale waxaa kasoo qayb galaya marti sharaf kale oo ka imanaysa dalalka dariska ah iyo dad aad u badan oo ka imanaya degaanka.

Waa markii u horraysay ee noocan oo kale loo xuso dhacdadan murugada leh, iyadoo wixii isbaddalka ka horeeyay ay shacabku iskood u qabsan jireen xuskan, haddase madaxdii dawladda iyo dad meelo fog ka yimid ay kala qayb galayaan xuska maanta.

Hargeisa Press.com/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here