Xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo Addis Ababa Lagu Qabtay

0
715
Addis Ababa (Hargeysa Press)- Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya ayaa maanta oo Isniin ah si wayn loogu xusay magaalada Addis Ababa.

Xuskan oo ah kii 14aad ayaa waxaa isugu yimid qowmiyadaha wada dega dalka, sidoo kale madaxda degaannada dalka ayaa xuskan kasoo qayb galay.

Waxayna qowmiyaduhu kusoo bandhigeen xuskan ciyaaro dhaqameedka degaan walba iyagoo muujinaya siday ugu farax sanyihiin wada noolaanshahooda ay kuwada nool yihiin dalka Itoobiya.
Xuska sannadkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Itoobiya uu ku soo biiray degaan cusub, sidoo kale isbaddalka siyaasadeed ee dalkuna aanu fadhiyin.
Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY