Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) iyo bahda warbaahinta waxay u dabbaal-degayaan Maalinta Haweenka Adduunka, iyaga oo xusaya doorka qiimaha leh ee haweenka warbaahintu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo xorriyadda saxaafadda.
Haweenka warbaahinta waxay door muhiim ah ka ciyaaraan kor u qaadista codadka haweenka Jsl, wacyigelinta bulshada, iyo ilaalinta xaqa warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee, waxay weli la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin: fursado xaddidan oo ay ku gaadhaan jagooyin hoggaamineed, caddaalad-darro, iyo hanjabaado la xidhiidha ammaankooda.
Iyadoo la xusayo maalintan, SOLJA iyo bahda warbaahintu waxay ku baaqayaan:
1.Fursado loo siman yahay in la siiyo haweenka warbaahinta si ay doorkooda u qaataan.
2.Difaaca ammaanka haweenka suxufiyiinta si looga hortago handadaad, tacaddi, iyo xadgudubyo ka dhan ah.
2.Xoojinta tababarrada xirfadeed si haweenku u helaan aqoon iyo xirfado ay kula tartamaan suxufiyiinta kale.
SOLJA waxay mar kale adkeyneysaa sida ay uga go’an tahay in warbaahinta Somaliland ay noqoto mid xor ah, caddaalad ah, oo ay haweenku si buuxda uga dhex muuqdaan. Wadajir ayaynu ku dhisi karnaa warbaahin metesha dhammaan codadka bulshada.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA