XUSKA MAALINTA FARAXALKA DUNIDA: Gorfeyn & Muuqaal.

0
824

▪ Xuska Dharaarta Faraxalka Dunida ayaa ku beegan maanta 15 October 2018. Maalinta Faraxalka Dunida ayaa ah olole lagu dhiirinayo in dadweynaha dunidu ay caadeystaan la qabatinka dhaqanka faraxalka oo laf-dhabar u ah fayo-qabka qofka iyo ka hortagga cudduradda cunnada iyo wasakhawga faraha ku faafa.

▪ Marka la rabo in la hirgaliyo hanaan fayo-dhawr oo dhiig iyo dheecaan cusub u noqon kara joogteynta iyo caadeysiga la qabatinka faraxalka iyo nadaafadda guud ee dadwaynaha, waxa lama huraan ah in la helo biyo oo weliba xoog wayn la galiyo sidii muwaadin kastaa u heli lahaa biyo nadiif ah oo ku filan.

▪Dal ahaan waxa innoo muhiim ah in la dardargaliyo sidii muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay mustaqbalka dhaw iyo ka fogba u heli lahaa biyo nadiif ah oo ku filan. Islamarkaanna la gartaa lama taabtaannimada ogaanshaha doorka horumarinta kaabeyaasha biyaha dalka oo u baahan mideynta dhakhli, aqoon iyo dedaal lagu xaqiijiyo hodannimada biyaha. Dhab ahaantii, Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo qaranka uga mas’uul ah horumarinta kaabeyaasha biyaha ayaa hadda cagta saartay dariiq jid-cadda iyo waddo lugeedda u rogi kara laami toos ah “Qorshe iyo dedaal fulineed oo hodansiin kara adeegga biyaha dalka”.

▪Ugu danbeyntii, xuska maalinta faraxalka dunida ayaan kaga qayb galay xaflad ay hay’adda UNICEF soo qaban qaabisey oo lagu qabtay magaalada Gabilay. Run ahaantii, dadka ku dhaqan gobalka Cagaaran ee Gabilay iyo guud ahaanba shacab weynaha reer Somaliland ee cisiga iyo wanaagga ummadnimo naga mudan. Waxaan ku dhiirinayaa caadeysiga iyo joogteynta faraxalka iyo fahanka ahmiyadda nadaafadda guud ee dadka iyo degsiimada nolosha.

Allaa Mahad leh

Wada Shaqeyn Wacan.

Jamal A. Muse

Ag. Guud ee W. H. Biyah JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here