Xuska Maalinta Cadaaladda oo Jigjiga Lagu Qabtay

0
518

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay Xuska maalinta Cadaaladda, Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda u saraysa dawladda oo uu u horeeyo Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, mas’uuliyiinta Hay’adaha cadaaladda iyo mariti sharaf kale.

Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar oo munaasabadda xuskan ka hadlay ayaa sheegay in hadda ka hor degaanka ay ka jirtay cadaalad daro badan, isla markaana degaanku soo maray xilli hantida dadka iyo naftooduba gacanta ugu jirtay hal shakhsi ama shakhsiyaal oo ay siday doonaan ka yeeli jiray taasna aysan maanta ka jirin.
Mar uu ka hadlayay dhanka xoriyada waxaa uu sheegay inay jiraan dad kasoo horjeeda xukuumadda balse aan wax dhib ah loo gaysan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambayn Madaxwaynuhu wuxuu ka hadlay in ay jiraan jileec ka muuqda Maxkamada degaanka oo hoos loo eegi doono adeegga ay dadwaynaha u fidiyaan.
Shacabka deegaanka ayaa waxaa hore usoo martay dhibaatooyin kala duwan iyagoo naftooda iyo hantidoodaba waxyeelo badan loo gaystay, balse ilaa iyo hadda ayna si buuxda u helin cadaalad dhammaystiran.

Hargeisa Press.com/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here