Xuska 29-Guurada Aas-aaska Ciidamada Qaranka Somaliland oo Beri Lagu Qabanayo Laascaanood

0
2731
Ciidamada Qaranka Somaliland
Ciidamada Qaranka Somaliland

Laascaanood (Hargeisa Press) – Waxaa ay maalinta berito ku beegan tahay 29 guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay islamarkaana dhidibada loo taagay Ciidamada Qaranka jamhuuriyadda Somaliland, 2 bishii February sanadkii 1994-kii.

Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa saraakiisha, saraakiil xigeenada, dableyda iyo waliba qoysaskooda ugu hambalyeeyay dabaaldega munaasibada aas-aaska ciidanka Qaranka Somaliland.

Xuska munaasibada 29-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa lagu qabanayaa magaaladda Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Waxaanay noqonaysaa taariikhda markii labaad ee magaalada Laascaanood lagu qabto munaasibada xuska debaal-dega Ciidamada Qaranka Somaliland.

Sanadkii 2017-kii, ayay ahayd markii xuska munaasibada Ciidamada Qaranka lagu qabtay deegaanka Oog ee gobolka Sool, waana markii labaad ee meel ka baxaan Hargeysa lagu qabto xuska Ciidamada qaranka.

Waxaana xuska munaasibada Ciidamada Qaranka magaalada Laascaanood kaga qayb galaya Madaxda dalka Somaliland, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo marti sharaf kala duwan.

Laga soo bilaabo aas-aaskii illaa maanta Ciidanka Qaranka Somaliland wuxuu heegan u ahaa ilaalinta Qarannimada lama taabtaanka ah, waxaanu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa ku qalabeysan qalab ciidan oo dhammeystiran sida taangiyo, baabuurta gaashaman, noocyada PM ka, hubka fudud iyo ka culusba.

Aasaaska Ciidamada Qaranka Somaliland wuxuu la kowsaday Xukuumaddii labaad ee ka dhalatay Somaliland, waxaana lagu saleeyey saamiyadii beelahu ku kala lahaayeen Guurtida, iyadoona horumarka Somaliland lagu gaadhay abuuritaanka Ciidamada Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here