Xuska 18-Ka MAY: Xuskeeda Dambi Mooyee, Miyaan Darajo Laga Korodhsan Karin?. Dr.Mohamed-Culimo

0
1126
Dr.Mohamed-Culimo

18-ka bisha May oo ah maalinta qaranimadda Somaliland waa maalin taariikhi ah oo ku suntan inta badan quluubta bulshada Somaliland. Maalintani waxay ka mid tahay maalmaha kooban ee mideeya shacabkeenna. Qiimo wayn ayay inagu joogtaa 18 MAY.

Marka 18 MAY ay soo dhawaato, waxaa la magacaabaa gudiyo heerar kala duwan ah si loo qaban qaabiyo xuska maalintan. Mararka qaar ayaan is waydiiyaa bal in gudidaasi fahamsan tahay ujeedadda loo xusayo maalintan?. Lacag badan ayaa ku baxda xuska maalintan (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo intaba waa loo xusaa). Jaaliyadaha qurbuhuna magaalo magaalo ayay u xusaan, shakina kuma jiro in kharash aad u badani ku baxo xuska maalintan.

Sidaa darteed waxaa habboon in looga faaiidaysto si waxtar leh. Waxaa lagu xusi karaa dadkii naftooda u bixiyey waxaan dhibayn, inta noolna wax u taraya. Inta badan maalinnimada si fiican ayaa loo xusaa. Dadkaa isku soo baxa, madaxduna way la hadlaan oo wacyi iyo waayo wixii jiraba waa la wadaagaa. Habeenku marka uu damo ee cadceedu dhacdo in badan oo maalintan u astaysday habeenka nasashada oo muusig iyo qoob ka ciyaar aan kala go lahayn ilaa waaga barigiisa wada ayaa isku yimaada.  Dhibtu halkaas ayay ka bilaabantaa. Maxaa heeso bilaa xikmad ah oo aan maalintaba xidhidh la lahayn lagu ridaa. Maxaa gabdho aan si fiican u asdurnayn meesha yimaad.! Maxaa macsi ah, maxaa… maxaa… haba ka qaban…..Waxaa ka sii xanuun badan in madaxdii iyo masuuliyiintii umadduna ay fadhiyaan madasha waxaasi ka dhacayaan. Ma sidaas ayay ka raali yihiin?.

Bal ka warrama inaga oo tacsi joogna haddii aynu muusic shidanno? Maxay dareemi lahaayeen qoyska geeridu ku dhacday? Ma qof innaga mid ah ayaa jecel in geerida waalidkiisa qoobka ciyaar iyo heeso jacayl ah lagu xuso? miyaanay dhaqan xumo iyo diin la aan ahayn in sidaas laga hor sameeyo madaxda qaranka iyo masuuliyiinta heerarka kala duwan leh oo fadhida?.

Maxaa inala gudboon?

Waa maalin mudan inaynu u ducayno intii u dhimatay. Waa maaalmo duniduye, Inaynu waxtarno inta nool ee u baahan hiilkeenna iyo gacanteenna ayaa ila habboon. Ubadkeenna ayaynu la wadaagi karnaa taariikhdii maalintan loo soo maray.  Wakhtigan waxaynu ku qaadan karnaa Inaynu qiimayn ku samayno qarankeennu halka uu marayo si aynu hoosta uga xariiqno waxa dhiman ee u baahan inaynu yoolka ka dhiganno wakhtiga soo socda (Maxaa inoo qabsoomay?. Maxaa inaga qabyo ah?. Maxaa inoo qorshe ah sanadkan iyo sanadaha dambe ?)

Beesha caalamka ayaynu maalintan qadiyadeena u soo bandhigi karnaa. Saxaafadda aduunka ee luuqadaha kala duwan ku baxda ayaa lagu qori karaa maqaalo ka turjumaya maalintan.

Dadka qaban qaabinaya xuska 18 MAY gaar ahaan jaaliyaddaha qurbaha ku nooli Ilaahay ha ka baqaan oo bulshadda ha ka daayaan wixii xun ee if yo aakhiraba aan la mahadinayn. Dadka ka qayb galayaana aad ha uga fiirsadaan.

Xuska 18 MAY waa in looga faaiidaysto hab ka duwan sida hadda loo wado. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in laga xoreeyo dadka ka dhigtay maalintii muusiga iyo jaaska. Haddii xuska maalintan dambi mooyee, darajo aynaan ka korodhsanayn, waxaa ila haboon in dib loo saxo qalooca ina galay, lagana xoreeyo dadka sida khaldan u xusa maalintan.

Guul iyo gobonimo.

Fiiro gaar ah: Maqaalkan waxaa qoray oo la daabacay May 2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here