Xulka Qaranka Kubadda Cagta Dhegooleyaasha Somaliland Oo Kenya Kaga Qayb Gelaya Tartan Caalamiya

0
588

Hargaysa (HP): Kooxda ciyaaraha Kubbadda cagta Somaliland ee Maqalka naafadda ka ah ayaa maanta u kicitimay dalka Kenya oo ay kaga qayb geli doonaan tartanka kooxaha Dhegooleyaasha ee qaaradda Afrika.

Tartankaasi  kooxaha kubbadda cagta Maqalka naafadda ka ah oo ay ka qayb geli doonaan 20 wadan oo Afrikaan ayaa Sabtidda beri ka furmi doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kooxda Dhegooleyaasha kubbadda cagta ee Somaliland ayaa maanta lagu sii sagootiyay garroonka diyaaradaha Cigaal International airport oo ay uga sii dhoofayaan ka qayb galka tartankaasi.

Waxaana kooxda qaranka Somaliland ee Dhegooleyaasha kubbadda cagta garroonka diyaaradaha Hargaysa ku sii sagootiyay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, agaasimaha waaxda ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale oo wasaaradaasi ka tirsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa kooxda qaranka Somaliland ee tartabkaasi ka qayb gelaya u rejeeyay in ay guul ka soo hooyn doonaan tartankaasi.

Waxaanu kooxda ciyaartooyga ah kula dar-daarmay in mudadda ay tartankaasi ka qayb qaadanayaan ay muujiyaan ciyaar wanaag, lana yimaadaan akhlaaqad fiican oo ka turmujaysa sumcadda iyo sharafta qaranka Somaliland.

DAAWO: AGAASIMAHA GUUD OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

 

Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay in laba kooxood ee kaalmaha ugu sareeya ka soo galla tartankaasi in ay ka qayb geli doonaan tartanka kooxaha Dhegooleyaasha adduunka oo sanadka danbe ka dhici doona dalka Brazil.

Agaasimaha waaxda iyaaraha C/rashiid Caydiid Yaasiin, waxa uu tilmaamay in ka qayb galka kooxdan Somaliland ay danbaysay Casuumad rasmiya oo ay heleen, isla markaana ay ku ciyaari doonaan magaca Somaliland.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa sheegay in tartnakaasi ay ka qayb gelayaan wadamo Afrikaana oo caan ku ah dhinaca ciyaaraha, kuwaasoo ay ka mid yihiin Masar, Ghana, Nigeria, Cameroon, iyo dalal  kale.

 

DAAWO: C/rashiid Caydiid Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY