“Xukuumadu marnaba ma aqbalayso dhiiga maalin walba macno la’aanta ku daadanaya”…

0
553

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mida dableydii shalay weerarka dilka ahaa ka gaystay magaaladda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaanay xukuumadda Somaliland ku hanjabtay in aanay marnaba aqbali Karin in maalin walba si macno la’aana uu dhiig uga dhex daato dadka walaalaha ah ee degaanka Ceel-Afweyn.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhig qaar ka mida dablaydii gaysatay dilkii shalay.

Sidoo kale-na waxaa socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi,  iyadoo sharciga la horgayn doono kuwa uu ku cadaado danbigaasi.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa ehelada dadkoodii ku waayay falkaasi waxa uu  ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ugu horayn madaxweyne ku xigeenka ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabadda ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay ee Ceel-Afweyn.

Waxaana war-saxaafadeedka oo arrintaas lagaga hadlayay lagu yidhi “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland.

Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin”.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in aanay xukuumadu marnaba aqbalaynin in dhiiga dadka ehelka ah uu   maalin walba macno la’aanta ku daadato.

Waxaanu C/raxmaan Saylici, ugu baaqay bulshadda Ceel-Afweyn in ay xil iska adkaynta amniga. “Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga.

Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya”ayuu Saylici ku yidhi war-saxaafadeedkiisa.

Dhinaca kale ku simaha madaxweynaha Somaliland waxa uu faray ciidamadda amaanka ee degaanka Ceel-Afweyn ku sugan in ay waajibaadkoodda gutaan, isla markaana cid kastoo loo arko in ay falal amni darro ah wadaan ay gacan adag ku qabtaan.

“Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan birr ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY