Xukuumadda Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Toban Kun Oo Qoys Oo Biyo Yaraan Soo Food-saartay

0
770
Gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Xinif

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland ayaa qaylo dhaan u dirtay hay’adaha gargaarka si biyo loola gaadho toban kun oo qoys oo biyo yaraani soo foodsaartay.

Gudoomiyaha hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Xinif ayaa sheegay in kaamamka ay ku jiraan barakacayaashu ay qarka u saaran yihiin biyo yaraan, kuwaas oo si degdeg ah ugu baahan in la gaadhsiiyo biyo nadiif ah.

Cabdikariin Xinif ayaa kulan la yeeshay hay’adaha caalamiga iyo kuwo maxaliga ah ee ku dhaqan Somaliland, isla markaana soo gaadhsiiyey inay u gurmadaan dadkaasi biyo la’aantu soo food saartay.

“barakacayaasha ku dhaqan gobolada bariga waxa soo foodsaartay biyo yaraan, waxaanay biyo yaraantaaasi saamaysay toban kun oo qoys oo ku dhaqan gobolada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag”ayuu yidhi gudoomiye Xinif.

Sidoo kale,w axa uu sheegay Inay u sii daran yihiin tuulada Guumays ee gobolka Sool iyo gobolka Sanaag oo ah tuulooyinka Fadhi gaab, Garadag iyo tuulooyin badan oo ay barakacayaal badani iskugu yimaadeen.

Sidoo kale, hay’adda ka hortagga masiibooyinka ayaa hore u shaacisay in dad lagu qiyaasay shan boqol oo kun ay soo foodsaartay macaluul u baahan in loo gurmado.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY