Xukuumadda Somaliland oo Telefishanada HCTV, Astaan iyo True Cable Ku Amartay In Ay Rasiifaradooda Ka Saaraan Universal iyo Star Tv

0
2111

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa Wareegto uu maanta soo saaray Wuxuu ku amray Telefishanada Astaan Tv ,True Cable Tv, Hornsat inay Recieverada Channaladooda ka Saaraan labada Telefishan ee Universal iyo Star Tv kadib markii ay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintu kala noqotay Ruqsadii ay kaga hawl geli jireen gudaha Somaliland.

Wareegtada Wasiirka oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress.com ayuu ka dalbaday dhammaan ganacsatadii xidhiidhka la lahayd labadaas Telefishan inay kala noqdaan xayaysiisyadooda ganacsi.

Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa u dhigmayd sidan:-

LEAVE A REPLY