Xukuumadda Somaliland Oo Sharraxday Asbaabaha Loo Xidhay Xarunta HCTV

0
675

Hargaysa (Hargeisa Press): War ka soo baxay  maanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland  oo ay werisay  Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in loo xidhay  Isniintii Telefishanka HCTV, kadib markii uu baahiyey Warar aan run aheyn, isla markaana ay ku xadgudbeen Xeerka Saxaafadda Somaliland  ee Xeer No. 27/2004.

Warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu, waxaa lagu iftiimiyey in HCTV uu faafiyey warar aan xaqiiqo aheyn oo dhinac ka raran,  oo ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda  Somaliland  ee XEER No. 27/2004 iyo heshiiskii is-fahamka ahaa ay dhawaan wadajir u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka Wakiil ah Xukuumadda JSL iyo Telefishannada madaxa-bannaan ee dalka oo isku raacay in warbaahinta ay dheelitiraan wararka ay ka baahinayaan dalka, lagana  waantoobo faafinta wararka aan jirin.

Waxa kaloo,  Masuuliyiinta Warfaafintu ay caddeeyeen  in HCTV ku xadgudbay  Qodobbada 13-aad iyo 19-aad ee Xeerka Saxaafadda oo ka hadlaya Raadinta Xaqiiqda wararka iyo dheelitirkooda.

Sidaas darteed, Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u  xaqiijisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA,  in aanay jirin sababo kale oo loo xidhay Tifaftiraha iyo Xarunta  dhexe ee Telefishanka HCTV, hase ahaatee loo xidhay markii ay u hoggaansami  waayeen xeerkii Saxaafadda iyo is-afgaradkii ay wax ka saxeexeen.

 

Xigasho: Solnanews.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here