Xukuumadda Somaliland oo Saylac Ku Xidhay Markab iyo Kalluumaysato Shisheeye

0
1595

Saylac (Hargeisa Press) — Wararka naga soo gaadhaya magaalada Saylac ayaa waxaa ay sheegayaan in Xukuumadda Somaliland ay halkaasi ku xidhay Markab Kalluumaysi oo si sharci daro ah uga kalluumaysanayay bada.

Markabkan kalluumaysi ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland.

Waxana Markabkan oo ah nooca Kalluumeysiga saarnaa Kalluumeysato Ajnabi ah.

Markabka oo aan la shaacin dalka laga leeyahay ayaa waxaa luga qabtay Xeebaha Gobolka Salel, waxaana saarnaa ku dhawaad 15 Kalluumeysato Ajaanib ah.

Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa Sheegay in Markabkani kusoo xadgudbay Xeebaha Dalka Somaliland.

Weli lama shaacin dalka laga leeyahay Markabkan iyo Waddamada ay u dhasheen shaqaalaha saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here