Xukuumadda Somaliland oo mustaafurisay saddex qof oo Ajanabi ah

0
1080

Hargeysa, (HargeisaPress) –Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay shaqaale Ajanabi ah oo la sheegay inay shaqada hayeen ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland.

Saddexdan qof oo ka soo jeedda dalka Bakistaan ayaa madaarka Hargeysa laga dhoofiyey, waxaana la sheegay in ay ka hor imanayso xeerarka u yaala dalka oo ah in shaqo uu qof muwaadin qaban karo aan la keeni karin qof ajanabi ah, waxaana looga digay shirkadaha iyo hay’adaha wadanka ku sugan in aanay qof ajanabi ah oo shaqadiisa qof muwaadin ahi qaban karo aan dalka la keenin.

“Waaxda shaqaalaha Ajanabiga ahi waxay sheegeen in ogolaanshiyo ka haysan wasaaradda, waxa kale oo la cadeeyey inay hayaan shaqo uu qaban karo qof muwaadin ahi, waaxda khilaafaadka shaqaalaha iyo loo shaqeeyuhu wxuu soo gabogabeeyey in la siiyo wixii xaquuq ku lahaayeen qofkii dalka keennay.”ayey tidhi Hinda Gandi wasiirka shaqogalinta iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay inay tahay go’aan madaxweynaha ka soo baxay oo shaqaalaha Ajanabiga ah ee haya shaqada uu qaban karo qof muwaadin ahi la mustaafurin doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here