Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Qaashadda Shaqaale Ku-Meel Gaadh ah

0
657

Hargaysa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in gebi ahaanba loo joojiyay in wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu ay qaataan wax  shaqaale  ku meel gaadh ah.

Iyadoona laga mamnuucay hay’adaha dawliga ah iyo wasaaradaha in ay  ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay, in shaqaale ku-meel gaadh ah ay qaataan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay  shan qodob oo laga soo saaray shirkii 61-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo Khamiistii shalay.

Waxaana la go’aamiyay in wasaaradda ama hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale ku-meel-gaadh ah in loo aqoonsanayo in ay ku kacday sharci darro baal-marsan xeerarka shaqaalaha.

“In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ku meel-gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020.

In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021” ayaa lagu yidhi go’aankaasi.

Sidoo kale waxaa shirka shalay ee golaha wasiirrada Somaliland qodobadii laga soo saaray ka mid ahaa in wasaarradaha ay joogaan shaqaale ku-meel gaadh ah ee aan weli soo gudbin liiskooda in dib loo dhigo.

Waxaana lagu yidhi qodobkaasi, “Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka”.

Dhinaca kale waxay golaha wasiirradu isla qaateen in gebi ahaanba la joojiyay qaadashadda shaqaale cusub, iyadoo wasaaradda ama hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale ku-meel-gaadh ah loo aqoonsanayo in ay ku kacday sharci darro baal-marsan xeerarka shaqaalaha.

“Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana mamnuucay qaadashada xubno ku meel gaadh ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay.

Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale ku-meel-gaadh ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baal-marsan xeerarka shaqaalaha” ayaa lgu soo gebagabeeyay go’aamadaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY