Xukuumadda Somaliland Oo Diyaarad Khaasa U Kiraysay Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Xanuun Ku Soo Booday

0
985

Hargaysa (HP): Suldaan Maxamed Xirsi Qani, oo  ka mida madax dhaqameedka Somaliland oo xaalad caafimaad darro u yaalay cusbitaalka Haldoor ee magaaladda Hargaysa ayaa maanta loo qaaday dalka Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland ayaa  kaalin muuqata ka qaadatay qaadista suldaan Maxamed Xirsi Qani, iyadoo diyaar khaasa lagaga qaaday garoonka diyaaradadaha magaalada Hargaysa.

Suldaanka oo uu  ku soo booday xannuun dhanka madaxa ah ayay xukuumadu ka shaqaysay sidii cusbitaal dibadeed loogu qaadi lahaa, si caafimaadkiisa wax looga qabto.

Waxaana suldaanka ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Hargaysa xubno ka mida golaha wasiirrada, madax dhaqameed iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, oo ka mid ahaa xubnihii suldaanka sagootiyay oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay diyaaraddu qaaday suldaanka, waxaanu yidhi,  “Waxaanu anba-bixinay galabta  oo xaalad caafimaad ku sii sagootinay suldaan Maxamed Xirsi Qani.

Suldaanku runti waa nin aad iyo aad qaranka qaali ugu ah, waa nin qiimo leh, ILLAAHAY SWT waxaanu ka baryaynaa isagoo caafimaad qaba inuu inoo soo noqdo”.

“Waxaan halkan uga mahad celinayaa intii markii suldaanku xannuusaday soo booqatay, u ducaysay, sii sagootiday. Waan u ducaynayaa, ILLAAHAY ducadeena ha aqbalo” ayuu yidhi wasiir Sacad.

Geesta kale suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Aw Good, oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii sii sagootay diyaaradii qaaday suldaan Maxamed Xirsi Qani,  ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay kaalintii muga iyo miisaanka lahayd ee ay ka qaadatay anba-bixinta suldaanka.

Waxaanu yidhi,  “Waxaanu imika ka soo dhaqaaqnay ILLAAHAY caafimaad sareeca-na ha siiyee, suldaan Maxamed Xirsi Qani,  oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay.

Iyadoo shalay  xannuun madaxa ahi ku soo booday suldaanka. Looma-na kala hadhin, xukuumadda, dawladda, wasiiradda, iyo ummadda Somaliland oo dhan, in ILLAAHAY caafimaad sareeca-na ha siiyo, oo isaga oo cagahiisa ku socda uu inoo yimaado”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY