Xukuumadda Somaliland oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 2,600 Macalin

0
1734

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ayaa waxaa ay maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 2,600 oo macalimiin ah.

Faysal Cali Sheekh Maxamed guddoomiyaha Haayadda u diyaar garawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ayaa sheegay in raashinkaas oo dhamaysiran loogu tala galay macalimiinta bilaa mushaharka ah kuwaas oo culays badani saran yahay. Waxaanu tilmaamay in la gaadhsiin doono macalimiinta gobolalada dalka oo dhan ka hawl gala ee bilaa gunnada ah si loogu kaabo noloshooda.

Ku xigeenka madaxa Haayadda boqor Salmaan ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in raashinkaas loogu tala galay si loogu kaabo macalimiinta reer Somaliland ee bilaa mushaharka ku shaqaysa.

Dhinacooda Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee gobolka Maroodijeex ayaa ka mahad celiyay deeqdaas raashinka ah waxanay balan qaadeen in la gaadhsiin doono macalimiintii loogu tala galay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa ugu dambayn Haayadda u diyaar garawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ka guddoomay Wajiga koobaad ee raashinka loogu tala galay macalimiinta waxaanu u mahad celiyay dawladda Sucuudiga oo deeqdaas soo dirtay.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY